Kenya oo baqdin ka qabta weeraro Al Shabaab ee dalkeeda ka geystaan xilliga doorashada

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Nairobi Dec 05, 2012 (SDN)— Saraakiisha ciidamada dowlada Kenya ayaa ugu baaqay laamaha amaanka iyo dadka shacabka ee ku dhaqan dalkaasi Kenya inya ka qeyb qaataan sugida amaanka ee dalkaasi.

Mathew Iteera oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Kenyaayaa sheegay in loo baahan inadkeeyo amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka sanadkaa.

Waxa uu shegay sarkaalkaan inay ka baqayaan falal amni daro ah inay ka dhacaan dalkaasi oo ka geystaan halkaasi Ururka Alshabaab iyo dadka lidiga ku ah amaanka sida uu sheegay Mathew Iteera oo la hadlayay warbaahinta Kenya.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay ciidamo dheeraad ah oo boolis ah ay geyn doonaan deegaanada iyo goobaha cod bixinta dalkaasi Kenya.

Sarkaalkaan ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in Alshabaab marar badan ay hanjabaad u jeediyeen Dalka Kenyaay ka geysanayaan falal amni daro ah.

Hadalka kasoo yeeray saraakiisha amaanka ee Booliska dalka Kenyaayaa imaanaya iyadoo Alshabaab ay marar badan weeraro amni daro ay ku hanjabeen inay ka geysanayaan dalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>