Nabadood ka tirsanaa Odayaashii soo xulay barlamanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Dec 05, 2012 (SDN)—Kooxo hubaysan ayaa Caawa waxa ay magalada Muqdiho ku dileen Maxamed Maxmuud Yusuf Codeey oo kamid ahaa 135-tii Odey ee soo xushay Barlamanka Somalia.

Dilka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay Galabta 5:00 PM irida hore ee Guriga oo Odayga ka deganaa Xaafada Naxteexo oo ku taala Degmada Wadjir, waxaan dilka geestay 2 Nin oo Bastoolado ku hubaysanaa oo dilka ka dib goobta k abaxsaday.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada dowlada kuwaasi oo meesha ka sameeyay Baarinaato aan la ogeyn ilaa hadda Cida lagu soo qabtay.

Maamulka Degmada Wadajir ayaa mar aan la xarrirnay waxa uu inoo sheegay inuusan hadda ka hadli karin dilka, maadaama Baaritaano ay wadaan.

Ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyada Dilka Nabadoonka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>