Qarax qasaaro geystay oo lala bartilmaameed saday Ciidamada dowladda

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Dec 05, 2012 (SDN)— Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya xalay lagula weeraray isgooska Howlwadaag fariisin ay ku lahaayeen.

Qaraxa oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu tuuray iyadoo halkaasi ciidanka uu kasoo gaaray khasaaro kala duwan.

Inta la xaqiijiyay labo kamid ah ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi iyadoo aysan jirin khasaaro kale oo ka dhashay.

Raga tuuray bambada ayaa meesha ka cararay durba kadib markii ay ku hubsadeen in meesha ay doonayeen ay ku tuureen.

Qaraxa kadib ciidamada Dowlada Soomaaliya waxa ay sameeyeen howlgalo baaritaano kuwaasi oo ay ku baadigoobayeen cidii ka dambeysay qaraxa inkastoo aysan cid soo qaban.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu weeraraa marmarka qaarkood qaraxyada caynkaan oo kale ah oo ciidamada ay khasaaro kala duwan kasoo gaarto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>