Qarax qasaaro xoogan geystay oo lala eegtay Ciidamada Maamulka Puntlan

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Boosaaso Dec 05, 2012 (SDN)—Qarax xooggan ayaa Ciidamada Puntland waxaa lagula eegtay deegaan u dhaxeeya Magaalada Boosaaso iyo Buuraha Gal-gala ee ee Gobolka Bari.

Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa sheegaya in Qaraxaas uu ahaa bambo nooca Dhulka lagu aaso ah oo la doonayay in Ciidamadan lagu qarxiyo.

Ku dhawaad 10 kamid ah Ciidamada Puntland ayaa lasoo sheegayaa in ay geeriyoodeen kuwa intaas ka badana dhaawac ahaan loo qaaday.

Sargaal katirsan Ciidamada amaanka Puntland ayaa sheegay in qaraxan lala beegsaday Ciidamada, ayna ka danbeeyeen rag nabad diid ah sida uu hadalka udhigay.

Halka qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa horey loo sheegay in ay uga dhici jiren falal aman xumo ah oo qaarkood lala beegsan jiray Ciidamada amaanka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>