Ruushka oo ka soo horjeesta in uu meelaha qaar kula dagaalamo burcad badeeda Soomaalida

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Moscow Dec 05, 2012 (SDN)— Sida laga soo xiganayo saraakiisha maraakiibta dowlada Ruushka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya dowlada Raashka ayaa ka soo horjeesatay inay maraakiibteeda kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ay kala dagaalamaan badweynta Hindiya.

Sidoo kale wadanka Ruushka ayaa shaaca ka qaaday inuu wado qorshe uu doonayo inuu ku badalo xarunta ciidamada la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ee ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah xeebaha dalka Soomaaliya iyadoo aan laga ogeyn halka ay u badalayaan xarunta ciidamada Bada ee Ruushka,waxaa sidaasi sheegay sarkaal ka tirsn ciidamda Badda ee Ruushka oo magaciisa ka gaabsaday.

Waxa uuna Sarkaalkaan shaaciyay in Raashka gabi ahaanba ay ka soo horjeesatay in Burcad Badeeda kala dagaalanto badweynta Hindiya sabab jira owgeed balse ma uusan faahfaahin sababaha iminka ku soo beegay in dowlada Ruushka inay ka hor timaado howlgalka Midowga Yurub ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

Warbaxintaan sheegayso in ruushka uu joojiyay qeyb ka mid ah howgalka Midowga Yurub uu ka wado xeebaha Soomaaliya, ayaa ku soo aadaya iyadoo xeebaha Soomaaliya ay ka socdaan howlgalka la magacbaxay Athlanta oo loogu soo horjeedo Burcad badeeda Soomaalida.

Badweynta Hindiya wax ay ka mid tahay baddaha aduunka ugu waaweyn waxaayna u dhaxeysaa qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Ostaraaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>