Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland oo Xaaladiisa Caafimaad Aad u Fiican Tahay

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Bristol Dec 05,2012(SDN)-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Axmed Aadan oo Badhtamihii Bishii November ee aynu soo dhaafnay uu Xanuun kadiso ahi ku soo booday isaga oo ku sugan Magaalada Bristol ee dalka UK ayaa imika si wanaagsan uga soo kabtay xanuunkaas, waxaana uu dhawaan  ka soo baxay Cisbitaal ku yaalla magaalada Bristol oo loo yaqaan Frenchay Hospital oo markii hore la dhigay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Mudane Xasan Axmed Aadan oo uu si kadiso ugu dhuftay (light stroke) waxa uu Allah uga dhigay mid sahlan waxaana uu imika Nasasho, Daaweyn iyo Duugis ku qaataa Gurigiisa.

Xeer Ilaaliyaha Guud waxa uu aad ugu mahad celinayaa Xukuumada iyo guud ahaan Shacbiga reer Somaliland oo si weyn ugu soo duceeyay si joogto ahna uga war hayay xanuunkiisa. Sidoo kale waxa uu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka  uu Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Dadweynaha reer Somaliland iyo Xukuumadooda isaga oo uga hambalyaynaya doorashooyinka sida nabadgelyada ah uga qabsoomay dalkeena hooyo.

Waad Mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
kaysar@diplomats.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>