Gudiga Olombikada Caalamka (IOC) oo Ganaaxdey Xiriirka Olombikada Hindiya (IOA).Maxayse Ku Suustey.

Filed under: Features,Sports,Wararkii ugu Dambeeyay |

New-Delhi-Dec-5-2120-qurbejoognews.com-Saaxiibayaal barnaamijkeena ciyaaraha waxaynu maanta ku jaleeceynaa gudiga caalamka Olombikada(International Olympic Committee) oo ka joojisey ama ganaaxdey xiriirka Olombiyada India(Indian Olympic Association).

Haddaba gudiga caalamka olombikadu(IOC) qodobka ay u cuskadeen in laga joojiyo Indiyaa ciyaaraha olombikada waxay tahay musuqmaasuq hadheeyey madaxdooda iyo iyaga oo soo dhameystiriwaayey shuruudihii laga rabey ay kaga qeybgali lahaayeen ciyaaraha Olombikada.

Ahyaartay gudiga olombikadu (IOC) may cayimin wakhtiga ay ka qadeyso ganaaxa (IOA) isla markaana waxay kaga dhawaajiyeen iney ka joojiyeen qaadhaankii yaraa ay ugu yaboohi jireen.

Wasiirka Isboortiga ee Hindiya Jintendra Singh ayaa eedeyn dusha ugu tuurey gudiga olombikada wadankiisa (IOA) oo ragaadiyey musuqmaasuq iyo qawaniintii oyna soo buuxin ee loga baahnaa.

W/Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>