Dagaal ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Kisamaayo Dec 07, 2012 (SDN)— Dagaal u dhaxeeya  ciidamada Dawlada iyo shababa ayaa waxa la sheegayaa inuu ku dhex maray saakay  magaalada kismaayo ee xarunta Juabada hoose ,dagaalkaas oo ka dhacay  xaafada lagu magacaabo  Farjano sida la  tilmaamo  waxaa weerarka ay soo qaaday Shabaab.

Qasaaraha ka dhashay  dagaalka ayaa waxaa la sheegaya inuu hal qof oo ku dhintay  oo sida la sheegay ay shabab halkaasi dhaawac ahaan kaga carareen  isla halkaasina  ciidamada dawladu ku dhamaystireen,sidoo kalena  ilaa saddex qof oo rayid ah ayaa iyagana ku dhaawacmay dagaalkaasi.

Kismaayo ayaa ilaa intii lagala wareegay gacan ku ahaynteeda waxa Alshabab ay ka gaaysanayeen falal iskugu jira dilal ,qaraxyo, iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay ku soo qaadayanaa  ciidamada Dawlada iyo kuwa Kenya oo haatan ku sugan magaalada Kismaayo.

SDN-Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>