Daqaalo qasaaro geysto oo ka dhacay Degaano hoostaga gobolka Bari

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Boosaaso Dec 07, 2012 (SDN)— Dagaallo qaraar oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Puntland iyo Maaleeshiyaadka Sheekh Atam ayaa maanta waxa ay ka dhaceen Buuraha Galgalo ee gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaaladu ay ahaayeen kuwo xoogan kuwaasi oo yimid markii ay Maleeshiyaadka Atam ay weera ku soo qaadeen Ciidamada Puntland oo howlgalo sameeynayay.

Macad qasaaraha rasmi ah ka dhashay dagaaladaasi hase ahaatee goobjoogayaasha ayaa sheegaya in jiraan qasaaro soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Puntland oo ku aadan dagaalka maanta.

Maalmihii danbe waxaa jira weeraro u dhaxeeyay labada dhinac Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaadka Sheekh Atam ee xirirka laleh Al Shabaab iyo Al Qaacidda.

 SDN-Boosaaso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>