Hargeysa oo maanta mar kale rabshado ay ka socdaan

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa Dec 07,2012(SDN)-Waxa maanta mar kale wadooyinka caasimada Jamhuuriyada Somaliland lagu arkayay dadweyne fara badan oo isugu soo baxay si ay maalintii labaad u muujiyaan caro ay ka qabaan natiijadii dooroshooyinkii Gollaha degaanka.

Degmedda Axmed Dhagax oo ay si weyn ugu badan yihiin taageereyaasha urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa lagu arkayay dad iyo Booliis is wejahaya.

Rabshadaha ayaa yimi ka dib kolkii guddida doorashooyinku ay shaaciyeen natiijooyin ay taageereyaasha Xaqsoor u arkeen in ay tahay mid aan ka dhab sheegeen sida ama muga taageerada Xaqsoor.

Madaxda Xaqsoor ayaa qaba in xukuumadu si badheedha u boobtay codad ay ka heleen shacabka reer Somaliland.

Ciidamo baaxad leh ayaa maanta lagu arkayay wadooyinka caasimada mana cada halka xaal sal dhigan doono.

Gudida doorashooyinka ee Somaliland ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ku dhawaaqaan sadexda xisbi ee muteystay in ay noqdaan kuwa qaran.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>