Madaxweynaha Masar oo dhaleeceeyay Dibed baxayaasha ka soo horjeeda

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Qahira Dec 07,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Morsi ayaa ku dhaleeceeyay dibed baxayaal rabshado rabshado wata ka hor sameeyay madaxtooyada dalkaasi.

Maxamed Morsi oo warbaahinta kala hadlay shacabka Masar ayaa u hanjabay dad uu ugu yeeray rabshad wadayaal.

“Ma dhici doonto in taageereyaashii xukuumadii hore ay dil iyo caga jugleyn awooda dib ugu maroorsadaan”ayuu yiri madaxweynuhu.

Shacabka gadoodsan ayaa ku xoomay beerta xoriyada halkaana ka waday diidmada ay ka qabaan awoodaha uu madaxweynuhu kororsaday dhawaanta.

Xukuumada ayaa rag siyaasiyiina oo caana oo ay ka mid yihiin Maxamed El Baradici iyo Camir Musa ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan rabshadaha la doonayo in xukuumada lagu mijo xaabiyo.

Khudbadii madaxweynaha dabadeed ayaa waxa laweeraray xarunta dhexe ee xisbiga Akhwaanka ee talada haya.

War Akhwaanku ay soo saareena waxa lagu sheegay in dhismahoodu uu gubanayo ayna weerareen Argegixiso.

Taageereyaasha xukuumada iyo mucaaridka ayaa isku hor taagan xarunta dhexe ee Akhwaanka iyada oo ciidamada amaankuna ay ku kala dhex jiraan.

SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>