Magaalada Kismaayo oo Dhuxushu Dad iyo Duunyoba ka badatay

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Kismaayo Dec 07,2012(SDN)-Magaalada Kismaayo ayaa waxa wadooyinkeeda buuxdhaafiyay jawaano dhuxul ah oo ganacsato ugu talo gashay in ay dhoofiso balse dawlada iyo beesha caalamku mamnuucday.

Kolka aad magaalada ka soo gasho dhanka Konfurta waxaad wadada labadeeda dhanba ku arkeysaa ilaa afar million oo jawaan oo dhuxul ah oo daadsan.

Dhuxusha daadsan wadooyinka Kismaayo ayaa lagu qiimeeyay in ka badan $40 million oo dollar.

Xasan Awlibaax oo ah madaxa guddida ganacsatada Kismaayo ayaa qaba in la fasaxo dhuxushan magaalada buux dhaafisay.

Awlibaax ayaa qaba in aan dib loo gubin dhir danbe balse ta haatan diyaarka ah la iibgeeyo.

Awlibaax ayaa beesha caalamka ku eedeeyay in ay doonayaan in ay ceyreeyaan ganacsatada reer Kismaayo ee maal geliyay Dhuxusha.

Si kastaba ha ahaatee dooda ku xeeran dhoofinta dhuxusha daadsan wadooyinka Kismaayo.

SDN-Kismaayo

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>