Nabadoon caan ah oo lagu dilay Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galagaduud

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Ceelbuur Dec 07, 2012 (SDN)— Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud kooxo hubaysan ayaa Magaaladaasi ku dilay nin oday ah oo ku sugnaa Degmadaasi.

Dilka odaygaan ku sugnaa Magaalada gudaheeda ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii kooxo hubaysan ay toogteen xilli uu ku sugnaa gudaha Magaalada.

Ilaa hada lama garanayo sababta ka dambeysa dilka loo geestay Oday dhaqameedkaan ku sugnaa Magaalada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud.

Maamulka Al-Shabaab ee Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud ilaa iyo iminka majirto wax war ah oo kasoo saaray dilka loo geestay oday dhaqameedkaan ku sugnaa Magaalada Ceelbuur.

Ceelbuur ayaa waxaa maamula Ururka Al-Shabaab weeyna adag tahay in kooxo hubaysan ay Magaaladaasi ku dilaan qof ku sugan gudaha Magaalada.

SDN-Ceelbuur

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>