Natiijadii Doorashooyinka Gollaha Degaanka Hargeysa oo kala kexeyay xulafadii Kulmiye

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa Dec07,2012(SDN)-Natiijadii Doorashooyinka gollaha degaanka ee magaalada Hargeysa ee shalay lagu dhawaaqay ayaa dhaliyay gadood baahsan oo ka biloowday xaafada Axmed Dhagax.

Isu soobaxyadii shalay ka dhacay Hargeysa ayaa waxa ku dhintay 4 ruux dhawaacna waa jiraa.

Khasaaraha kale ee ka dhashay natiijada doorashooyinkii golleyaasha degaanka Somaliland ee lagu kala reebayay xisbiyada iyo ururada ayaa ah in ay kala dileen xulafadii Kulmiye u haniyeeysay xilka Madaxweynenimo.

Ururo dhawr ah oo ay fureen xubno xulafada Kulmiye hore laabta ugu garaacan jirtay ayaa haatan fiintu dhexmirataa.

Kulmiye oo haatan u muuqda in ay heleen xirfad ay uga maarmeen taageero reeredyadii halkaa gaarsiiyay.

Ku shubasho ayaad mooda in iminka ay noqotay sida ugu muuqata ee siyaasada guul looga gaari karo.

Kumiye ayaa isu tusay in Ururada loo kala reebo sida ay ukala dhantaali karaan fursadaha Madaxweyne nimo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>