Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay rabshado xalay iyo maanta ka dhacay qaybo ka mid ah Hargeysa

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa 7, December 2012 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay khasaaraha ka dhashay rabshado xalay iyo maanta qaybo ka mid ah magaalada ku dhexmaray ciidanka amniga iyo koox cadhaysan oo ah taageerayaasha urur-siyaasadeedka Xaqsoor.

Shaqaaqadu waxay bilaabantay waxyar uun ka dib markii ay Komishanka Doorashooyinku abaaro 7:00 shaaciyeen natiijada doorashada ee golaha Deegaanka Hargeysa iyo siday xisbiyada iyo ururada siyaasadda ee todobada ahi u kala heleen 25-ka kursi, waxayna taageerayaasha ururka Xaqsoor iyo ciidanka amnigu isku waajaheen qaybo ka mid ah jidka u dhexeeya Saldhiga dhexe ee Booliska iyo Biriijka Hargeysa, iyadoo markii dambe ay ku fiday xaafaddo ka mid ah degmada Axmed-Dhagax ee Koonfur-galbeed ee caasimadda.

Wasiirka Daakhiliga Mr. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka hadlay shaqaaqadaas, waxa uu sheegay in rabshadan ay ku dhinteen laba qof, halka 9 kalena ku dhaawacmeen inta ilaa hadda la ogyahay.

Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahan yahay in nabadgelyada la ilaaliyo, isla markaana ay xukuumadda ka go’antahay inay sugto si aanu amnigu faraha uga bixin.

Wasiir Duur oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA, waxa uu sheegay in aanay xukuumadda u oolin cabashada ururka Xaqsoor ee rabshadaha horseeday, isla markaana ay tahay arrin jawaabteedu u taalo Komishanka Doorashooyinka iyo hay’addaha Garsoorka ee dalka.

Dhinaca kale, waxa galabta degen xaafaddaha degmada Axmed-Dhagax ee maanta iyo xalay rabshadaha dhiigga daadiyay ka dhaceen, iyadoo amniga magaalada Hargeysana aad loo adkeeyay.

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>