Faah faahin ka soo baxeysa qaraxii ka dhacay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Nairobi Dec 08, 2012 (SDN)— Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax waxyeelo gaarsiiyay dad shacab ah oo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo xalay masaajid ku yaala xaafada Islii qaraxa lagu weeraray.

Warar isqilaafsan ayaa kasoo baxaya qaraxa nooca uu ahaa iyadoo halkaasi uu ka dhashay qasaaro badan oo dad shacab ah soo gaaray kuwaasi oo ka agdhawaa masaajidka qaraxa lagu tuuray.

Shan ruux ayaa ku geeriyootay halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 15-kale kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad shacab ah kana agdhawaa masaajidka qaraxa lagu weeraray.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa durba soo gaaray ciidamada Booliiska iyo gaadiidka gurmadka deg dega kuwaasi oo goobta ka daadgureeyay dhaawaca iyo dhimashada ka dhashay qaraxa.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa waxaa lagu qaarijin rabay Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Kamakuujii ee xaafada Islii Yuusuf Xasan oo xilligaasi kasoo baxaye masaajidka Al-hidaaya ee qaraxa lagu weeraray.

Wararka ayaa sheegayaa in Yuusuf Xasan uu soo gaaray dhaawac dhanka lugaha ah iyadoo sidoo kale la sheegayo in dhanka gacanta ahna ay kasoo gaareen dhaawac.

Booliiska Kenya ayaa saaka waxa ay howlgal ka wadaan Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii oo maalmahan noqotay goob ay ka dhacaan qaraxyo dhibaato shacabka ugeesta.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa waxaa la geeyay isbitaalka guud ee Magaalada Nairobi Kenyata Hospital halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Islii oo ay dagan yihiin dadka Soomaalida ah ee kunool dalka Kenya ayaa muddooyinkaan dambe waxa ay noqotay meel ay ka dhacaan qaraxyo masuuliyadeeda dusha looga tuuro dadka Soomaalida ah ee kunool dalkaasi Kenya.

SDN-Nairobi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>