Kooxo hubeysan oo Nin rayid ah ku dilay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Baydhabo Dec 08, 2012 (SDN)— Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay kooxo hubaysan ayaa halkaasi waxa ay ku toogteen qof shacab ah.

Dilkaan oo dhacay xalay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in niman ku hubaysan Biskoolado ay toogteen xilli uu maraye suuqa Xoolaha gaar ahaan isgooska cunaaye halka loo yaqaan Magaalada Baydhabo.

Xabado dhowr ah ayaa la sheegay inay la dhaceen taasi oo sababtay ugu dambeyn inuu ugeeriyooday rasaasta nimanka hubaysan ay la dhaceen.

Wiilka la toogtay ayaa la sheegay inuu ahaa arday kamid ah ardayda waxkabarta Magaalada Baydhabo iyadoo ilaa iyo iminka aan la ogeyn sababta ka dambeysa dilka loo geestay.

Maamulka Dowladda ee Magaalada Baydhabo ee Gobalkaasi ilaa iyo iminka faahfaahin kama uusan bixin dilka loo geestay wiilkaasi la sheegay inuu kamidka ahaa ardayda Magaalada Baydhabo.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay ayaa wuxuu yahay mid wanaagsan inkastoo marmarka qaarkood ay ka dhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka Magaaladaasi.

SDN-Baydhabo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>