Qarax lala beegsaday Masaajid ku yaal Nairobi iyo xildhibaan ku dhaawacmay

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Nairobi Dec 08,2012(SDN)-Waxa xalay fiidkii Qarax dad ku dhinteen lala beegsaday Masaajid kuyaal magaalada Nairobi ee dalka Kiinya.

Qaraxa oo ahaa mid ka dhashay walxaha qarxa oo gacanta laga tuuray ayaa waxa ku dhintay sadex ruux.

Halka ay ilaa dhawr kale oo uu ku jiro xildhibaan Yusuf Xasana aya ku dhaawacmeen.

Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in qaruxu dhacay xili salaad laga soo dareeray oo dad badani hor dhoobnaayeen Masjidka.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafada Soomaalidu ku badan yihiin ee Eastleigh oo mudooyinkan danbe qalalaasuhu ku badnaa.

Maalinimadii Arbacada ee ina dhaafatay ayaa qarax ruux ku dhintay waxa uu ka dhacay isla xaafada Eastleigh.

Qarax ayaaney jirin ilaa iyo iminka cid sheegatay iyo cid si waafi ah uga hadashay baaxaa khasaaraha ka dhashay.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>