Yugaandha oo 2-1 Ku Furdaamisey Kiiniya (CECAFA FINAL 2012)

Filed under: Features,Sports,Wararkii ugu Dambeeyay |

Kambaala-Dec-9-2012- qurbejoognews.com-Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu galabta ku qaadaadhigeynaa koobkii bariga iyo bartamaha Afrika oo lagu kala faraxashey.

Waxaa si habsami ah ugu soo gabagboobey koobkii Bariga iyo Bartamaha ee ka socdey carigaa    ugaandha siiba magaalo madaxdiisa ee Kambaala.

Haddaba waxaa ciuaatii kama dambeysta ahay foodda isla galey xulka Yugaandha oo ciyaaraha martigalisey iyo dariskooda ee xulka Kiiniya.

Ciyaartan oo aad u xiisa badneyd ayaa waxaa ka soo qeybgaley dadweyne aad u tiro badan iyo dabcan taageerayaasha labada waddan iyo madax.

Akhyaartay ciyaartan oo aad u xiiso badneyd ayaa daqiiqaddii 26-aad ee qeybteedii hore ee ciyaarta ayaa Kiiniya gool aan ulakac laheyn iskaa dhaliseywaxaana calfadey  Anthony Kimani,Kii qalbijabkana waxaa daqiiqaddi 29-aad u raaciyey Godfrey Kizito,halka Kiiniya keensatey mid la dalaadhac ah.

Ciyaaratan oo runtii aad u xiisa badneyd waxaa 2-1-ku badiyey Yugaandha,Kaalinta seddexaadna waxaa 6-5  ku guuleysatey Sinsibaar kana guuleysatey Tansaaniya(Rigoorayaal-Penalties).Waana markii 13-aad ay Yugaandha ku guuleysato koobkan.

W/ qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>