Xulkii Qaranka Ereteriya Uga Qeybgaley Koobkii(CECAFA)00 Yugaandha Isu Dhiibey.

Filed under: Features,Sports,Wararkii ugu Dambeeyay |

Kambaala-qurbejoognews.com-Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku lafagureynaa xulkii Ereteriya uga qeybgaley tartankii koobka bariga iyo bartamaha Afrika(CECAFA) oo iska dhiibey Yugaandha(Political Asylum).

Xulkan kubadda cagta ee Ereteriya oo ka koobna 18-ban iskugu jira ciyaartooy iyo madax ayaa go’aansadey ineyna dib ugu noqon waddankoodii una sheegtey  dawladda Yugaandha iyo Qaraamada Midoobey (United Nation ) in waddankoodu nabadgeiyo ka jirin.

Haddaba xulkan oo isniitii aynu soo dhaafney Rwanada 2-0 uga badisey ayaa subaxnimadii faaruqiyey Hoteelkii ay ku soo degeen,waxaana badigoob u galey Pooliiskii Yugandha,hadana gacantayada ayey ku jiraan sidaana waxaa ka dhawaajiyey Sarkaalka u qaabilson xagga qaxootiga ee Yugaandha Mr-Musa E oweru.

Saaxiibayal Xulkan ma aha markii ugu horeysey ay ka haajiraan wadankooda 2007-kii- Lix-6- ayaa isu dhiibtey Angoola markii ay ciyaarta dhameysteen, 2009-ina 12-an ayaa Kiiniya isu dhiibtey, sannakii aynu soo dhaafneyna 13-an ayaa isu dhiibtey Taansaaniya.

Madaxdii Ereteriyana ilaa iyo hadda wax ka hadley ma jiraan.

W/ Qorey-Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>