Dhiilada Hargeysa: Dhimashadu hawl yaraa!

Filed under: Features |

“Bal su’aal u celi maydka; sababtuu u go’ay raadi.” (Hadraawi)

Su’aashan iyo kuwa ka dambeeyaba ila dhadhami: Booliska Somaliland ma marmarsiiyo uu xabaddo nool ku rido si uu dad u laayo ayuu doonayaa? Waa su’aal qayaxan saw maaha? Saw jawaab uma baahna? Maxaan ku keenay? Qormadan baan ku falanqaynayaa tagto iyo tan maanta taalba ee hareeraha igala joogso.

Goor kasta oo dadwayne kacsan iyo xoogaga amniga SL iska hor yimaadaan, hadadan aan joogno iyo haddeerba maydad baa dhulka laga qaadaa. Bal dhacdooyinkan kala horeeyay aan dul istaagno. Xasuuso sanad ku dhawaad ka hor maalintii wadooyinka Hargeysa ee waawayn Dawladda Hoose ganacsatadii yaryaryd ay ka kicinaayeen. Xasuuso maalintii dhulka loo banaynaayay Cisbitaalka Talyaanigu Hargeysa ka dhisayaan ee caruurta. Xasuuso maalintii Madaxwayne Riyaale iyo mucaaridku is qabteen, ee isna uu Dhismaha Baarlamaanka qufulka ku jabiyay iyo dadkii mudaharaadaayay wixii kala gaadhay. Xasuuso maalintii ‘riigga’ Koonfurta Hargeysa dhawr sanno hortood la kaxeeyay dadkii kacdoonka sameeyay iyo booliiska wixii kala gaadhay iyo wixii nafo qudh-baxay! Xasuuso… Xasuuso…!

Sababtu maxay tahay? Ma booliiska ayaa gacan fudud oo dad-lays ah? Mise dooda aan mararka qarkood maqlo, ee ah – dadwaynuhu booliis ay nin-iyo-nin u garanayaan kama cabsanayaan, kamana xishoonayaan, inay dilaan baanay ku dhawaanayaan oo boolisku waa naf-la-caari baa dhab ah? Mise intuba way jirtaa? Booliisku hadiiba uu naftiisa u baqo oo ay sida dambe tahay, wax xabado nool ka yar oo ay dadwaynaha iskaga joojiyaan, ama ku cabsi galiyaan miyaanay haysanin? Xataa hadii aanay haysanin rasaas caag ah, gaasta dadka ka ilmaysiisa iyo biyo xoogan oo dadka lagu furo toona, maxay lugaha iyo qaarka hoose ee jidhka xabadahooda ugu beegi waayeen? Maxay meelaha halista ah ee loo dhinto rasaasta ugu beegayaan? Marka ay nafo baxaan, miyaan casharoba laga baranin? Miyaan cidba loo ciqaabin? Askari maxkamad lagu keenay dil laga fursan karaayay miyaan waligeenba maqalnay? Baadhitaan booliisku amray oo madax iyo askarba eedo loogu jeediyay miyaan maqalnay? Dadku haba qaldanaado hadii uu doono, laakiin in la laayo miyay tahay? Dil hal qof miyaanu wax wayn ahayn, mise inaga dhankeena nafuhu qiimo badan ma laha, dhimashaduna wax wayn maaha? Hadii rasasta booliiska uu ku dhinto hal qof oo ka mid ah cadaanka Reer-Yurub ee fadhigoodu Hargeysa yahay, taloow xaalku sidan oo kale ma ahaan lahaa? Maya bay ila tahay. Markaa waa sax hadii la yidhaaho dhimasho oo dhami inalama sahlana, nafuhuna isku mid ma aha ee teena oo kaliya ayaa sahlan. Saw ceeb iyo xaaraanba maaha taasi? Hadma ayaynu ceebta ka koraynaa? Ceeb se horta ma u aragnaaba? Ma anigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa?

Intaas oo su’aalood, iyo in kale oo la taala ayaan is waydiiyaa mar kasta oo foolxumadan oo kale dhacdo, laakiin waxba isma bedelaan. Waa nasiib darro inteeda leeg dhab ahaan. Hadaan u laabto dhacdadan maanta ugu raad dambaysay, waxan is waydiinayaa sababta golayaashii qaranka oo dhan (Guurti, Baarlamaan, Xukuumad iyo wax garad kale iwm) ay uga hadli waayeen arintan. Markaan leeyahay maxay uga hadli waayeen, uma jeedo tabashooyinka dadka kacdoomay ay sheeganayaan maxaa yeelay taas maxkamado eega ayaa jira, waxan se u jeedaa, oo u jeedaa, dilka iyo awoodda booliiska ee geerida sababtay. Wali gumacii meel guracan buu, gawda ku hayaa. (Hadraawi) Saw dawladnimada iyo samaan kasta oo aadame sheegtoba sal uma aha sida nafo loo badbaadiyo iyo sida loogu kala fiicanyahay taas? Mar kasta oo dumar iyo ciyaal isu soo baxaan, ee buuq iyo sawaxan kiciyaanba hadii rasaas loo naco, saw ayaan darro maaha midhkaasi? Lug-haya dilkii booliisku ka gaysteen maalintii doorahsada, iyo midkan Hargeysa ee dadka cabanaaya lagu laayayba saw raadkoodii ma hayno? Maxaan ka qabanay, maxaan se ka yeelaynaa dhacdooyinka noocan oo kale ah ee iman doona?

Isku soo wada duub, ceebta wixii Hargeysa ka dhacay cidina nadiif kama aha, waa se la kala badsaday. Xoogaga booliiska, Wasaarada Daakhiliga iyo guud ahaanba dawladu canaan iyo ceeb bay arintaas ku leedahay. Ceebta qudheeda ayaa laba waji ah oo mid waa dhacdada qudheeda oo aanay ahayn inay sidaas u dhacdo oo dad dhinto, iyo wajiga kale oo ah inaan cidina ka hadlin, wax talaabo ah oo wax lagu saxaayo na la qaadin. Inta aan ka ogahay, ilaa hadda tacsi iyo canaan midnaba cidina ma jeedinin! Golayaasha kale ee qaranka, odayaal dhaqameedka iyo culimada diinta oo aan midkoodna cod laga maqlin baa iyaguna eed xoogan ku leh arintan. Eeda sadexaadna waxa iska leh, siday aniga ila tahay, siyaasiyiinta oo gees kastaba ha joogaane, aan wax ku filan ka qabanin kacdoonkan, ama markiisa horeba inuu kacdoon yimaado si wacan gogosha ugu xaadhay.

Al-muhim, xukuumaddu waa inay dhakhso dib isugu noqoto oo arintan baadhitaan ka furto. Waa in gudi baadha arinta loo saaro, oo waliba dawladani gudiyo saarista way ku wacnayd ee ay guddi saarto, laakiin uu mid dhab ah oo jawaab soo celiya noqdo gudigaasi. Jawaabtu waa inay noqotaa mid duruus laga barto, qof kasta oo qalad galayna dhakada qaladkiisa loo saaro iyadoo aan looga tudhin. Waa hadii sidii dawladeed loo dhaqmaayo, hadii kale se mooyi. Geesta kale, waa in dabcan dadkii dhintay iyo wixii dhaawacmayba mag iyo dhaawicin laga bixiyo.

Waa: Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>