Hargaysa Dec11/12(SDN)Masuuliyiinta Ururka UMADDA oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskooda magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ku faaqideen xaalada uu dalku ku sagan yahay iyo doorashadii dalka ka dhacday.
Shirkan jaraa’id oo ay maanta si wada jir ah u qabteen guddoomiyaha ururka Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee ururka Eng. C/rashiid Maxamed.
Warsaxaafadeedkan oo dhameystirana waxa uu dhignaa sidan : “Daah kama saarna dadweynaha saqiir iyo kabiir wixii dhacay maalintaas ay doorashadu dhacaysey, waxanse isku deyeynaa inaan in yaroo kooban kasoo ban dhigno khaladaadkii loo badheedhay maalintaas ay ka mid ahaayeen:
Idinkoo ka dheregsan dhibaatooyinka dalka ka dhacday, oo aanu qaarkood xusnay, Cidii danaynaysana xogo dheeraada ay ka heli karto hay’adaha xuquuqal insaanka, warbaahinta ardaydii jaamacadaha, ee uu komishanku goobaha codbixinta dalka, kuwaasoo ka sheekeynaya dhacdooyin iyo sawirro foolxun oo ay kala soo kulmeen safaradoodii shaqo.
Waxaynu dooranay nidaamka Dimuqraadiyadda iyo in hogaanka dalka lagu bedeli karo rabitaanka dadka, Waxaynu isu diyaarinay inaynu galno doorasho, waxanu ku bixinay fikir, waqti, dhaqaale iyo tamarba wixii aanu awoodney.
Inkastoo shacbiga reer Somaliland muujiyeen bisayl siyaasadeed xilligii ololaha, kadibna u dareereen goobaha cod bixinta si nabad-gelyo leh, una taagnaayeen si niyad-sami ah safaf dhaadheer bacadka saacado badan, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran, iyakoo ay ka muuqatey walaaltinimo iyo kalgacayl ay ku dheehantahay kalsooni iyo wax wada lahaansho.
Inkastoo ay bulshada Caalamku gacan wax-ku-ool ah ka geysteen isla markaana malaayiin Dollar ku bixyeen hanaqaadka Dimuqraadiyadda Somaliland iyo sidii ay u qabsoomi lahayd doorashadani, waxa dedaalkoodii iyo tacabkii shacabkaba ka dhigay hal bacaad lagu lisay boobkii, dhacii iyo awood sheegashadii baahsanayd ee marag ma doonta ahayd ee ay ku keceen Xukuumadda iyo Komishanka oo is bahaystay, iyakoo ku maamulay doorashada sharciga kaynta iyo guryaha hoostooda, laguna soo buuxiyey sanaaduuqda gaarka loo danaynayo, dalka iyo dadkana wax tudhaale iyo masuuliyad ah toona u muujin.
Doorashadani waxay halisgelisay wadajirka, xasiloonida iyo Nabadgelyada dalka, iyadoo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawacyo ay sababtay doorashada sida foosha xun loo maamulay.
Doorashadani waxay hoos u dhigtey hankii iyo sumcaddii Somaliland ay ku lahayd mandaqaddan iyo caalamkaba, wiiqdayna rajadii qadiyadda ictiraaf raadinta Dalka.
Doorashadani waxay mugdi gelisay kalsoonidii geeddi socodkii horumarka Dimoqraadiyadda iyo aaminaadii shacabku ku qabey in doorasho xor ah oo xalaal ahi qabsoomi karto mustaqbalka danbe inta xukuumaddan iyo komishanka noocaan ahi joogaan.
Doorashadan waxa ka muuqata inay ahayd mid hore Xukuumadda iyo Komishanka Qaranku u sii qorsheeyeen inay u dhacdo sidan boobka ah, si loogu xalaalaysto in la soo saaro saddex Xisbi Qaran oo magac ahaan kala duwan balse nuxur ahaan xukuumadda ka soo jeeda, si meesha looga saaro codka mucaaradka dhabta ah iyo in xildhibaano badan loo boobo, si xukuumaddu gacanta ugu dhigto maamulka Degmooyinka Dalka (Maayarada).
Ururka Umaddu wuxuu ku caan baxay in bulshada reer Somaliland ka sugto dhawaaqqa xaqqa ah ee dhibaatooyinka maamul ee jira, taasoo dhaxalsiisay in xukuumaddu cadaawad gaar ah u qaaddo kuna hamido sidii looga reebi lahaa ka mid noqonshaha saddexda Xisbi Qaran.
Waxanu Golaha Guurtida, madax-dhaqameedka iyo waxgaradka reer Somaliland u sheegeynaa in la leexiyey ujeedadii laga lahaa doorashadan, taasoo aanu u aanaynayno Komishanka Qaranka iyo Xukuumadda maanta jirta oo ku xadgudbey labaduba milgiha iyo xeerarka doorasho xor ah oo xalaal ahi inay ka qabsoonto dalka, waxanuna ka codsanaynaa inay arintan soo dhexgalaan, lana yimaadaan xal badbaado qaran sidii caadada inoo ahaan jirtey.
Haddii Madaxweynuhu guul u haysto guuldarada qaranka, haddii fariidnimadu noqotey foolxumadii dhacday maalintii doorashada, haddii madaxtooyadu isu diyaarinayso damaashaadka iyo dabaaldega kulmiye, anakuna waxanu xabaalaha malka durduro naxash ugu sidnaa maydkii dimuqraadiyadda Somaliland.
Anaku marnaba damiir ahaan kuma qanacsanin, kumana qanci karno natiijadan dulmiga ku timid ee uu komishanku ku dhawaaqay, hasayeeshee markaanu xeerinay wax badan, xogogaal dhab ahna u nahay duruufaha adag ee ku gedaaman dadkayaga ee leh shaqo la’aan, tahrib, sixirbarar, musuqmaasuq IWM, kadib markaan la tashanay wax garadka iyo taageerayaasha Ururka UMADDA, waxaanu go’aansanay inaanu dhawrno shacabkayaga jilicsan, anakoo u tudhaynanana waxanu dartood u dugsanaynaa dulqaadka iyo nabaddooda, anakoo ogsoon in maalmo badani danbeeyaan taariikhduna ay is qori doonto.
Waxanu taageerayaasha ururka UMADDA, meelkastoo ay joogaan, uga mahadcelinaynaa sidii baaxadda iyo mugga lahayd ee ay noola garab istaageen hiilkooda, xilligii madaxtirinta, ololaha, iyo maalintii doorashadaba. Waxanuna kula dardaarmaynaa inay muujiyaan dulqaad dheeraada, ilaashadaanna nabadooda iyo wadajirkooda.
Hargaysa Qurbojoog