Qaraxyo iyo Iska hor imaad ka dhacay Magaalad Jowhar ee gobolka Sh/dhexe

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Jowhar Dec 11 2012 (SDN)-Wararka Caawa Jowhar aynu ka helayno ayaa ku waramaya in dhawaqa qarax xoogan iyo risaas laga maqlay magaaladaas oo ciidamada Huwanta ay la wareegeen.

Goobjoogayaal ku sugan Jowhar ayaa qurbejoog.com u sheegay in qaraxa dhawaqiisa laga wada maqlay magaalada oo dhan waxaana jirta in iska hor imaad kooban uu ka dhex dhacay gudaha magaalada.

Qaraxa iyo Iska hor Imaadka oo aan la ogayn qasaaraha ka dhashay ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Hanti Wadaag gaar ahaan Bagaashka.

Lama garanayo kooxda ay ka tirsanayeen raga weerarka ku soo qaaday ciidamada huwanta ee aa sifiican u saldhigan,xaaladana waa ay iska yara dagan tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>