Soomaali land waxay u baahan tahay xaqsoorid iyo cadaalad‏,Maxaase loo dagaalamay maxaase laga dagaalamay‏

Filed under: Features |

Bilow waxaan uga dhigayaa qormadaydan magaca ilaahay  naxariis guud iyo mid gaara  bixiyaha , nabina nooga yeelay rasuul keenna muxamed naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaate.  waxaa xusid mudan maalma tegay inaan soo faqo , inaan xusuusiyo dadka  banaanbixii 1981 intii joogtay , intii maqashayna aan u bidhaamiyo , waxaa mudaharaadkaasi bilow u ahaa xuquuqda muwaadinka , wuxuu ifinaya in ay wax khaldan yihiin , waxaan qirayaa in mudaharaadkaasi ahaa mid lagu saxayay fal maamulkii jiray ku tillaabsaday,  nasiib darro waxaa timi in maamulkii xal ku doonay si khaldan oo dhiirri gelinaysa cabudhinta iyo afduubista xuquuqda qofka ka bilaabata ilaa bulshada , waxaa dhacday in shacabkii iyo ciidankii in ay is fara saaraan , maxaa ka dambeeyay , waxaa ilaa maanta koofurta soomaaliya saameeyay ee ay ka kici la’dahay , lama waayin si loo xaliyo oo wey sahlanayd ..  oo wey muuqatay laakiin aqoonta ayaa halkaa gashay iyo liidnimo anigu aan dusha ka saarayo dadkii markaa joogay oo xalka u arkay in lays cabudhiyo , khalad khalad laguma saxo .21 sano ayaa laga joogay xoriyaddiii dadkii midawga labada ah samaysatay  ee reer guuraaga  ahaa  , maalintaas ayay ka dagaalameen  shacabka soomaali land  mudaharaadkii 1981 . maalintaas ayay diideen in fikirkooda iyo rabitaankooda in la cadaadiyo, maalintaas ayey idhaahdeen cabudhis,    maanta oo soomaali land ay dawlad nidaam leh nabad iyo xasil ku jirtay 22 sano, bari iyo galbeed iyo badhtamaha somali land midayntiisa miyaa keentay in laga hor yimaado. miyaa keentay in lagu dilo dhallaan iyo shacab , oo aan ka yeellaa kuwii shalay na horboodayay xabadda u qaatay inay wax khaldan yihiin maanta inay shacabkeenna xasuuqaan ma aha mid la qaadan karo, maxaan ka daagalannay maxaanse u dagaalannay  jawaabtu waa xaqa in loo sinaado cadaalad la helo qof ama koox inayan jeebkaku ridan danta guud iyo masiirka bulshada,,,  waxaan ku talinaynaa in madaxda kumishanka doorashada qaataan soo jeedinta bulshada oo ay is casilaan , hay’adaha sharciga ee dastuuriga  ahna waxaan ka codsanaynaa inay amraan baadhis cid walbee ay ku cadaatao musuq maasuqana laga abaal mariyo waxa ay gaysteen , wax badan ayaan digniin ka bixiyay arrimaha yimid , haddii aan la sixin ayaan ku celinayaa arrimaha  mugdiga keenay ee saameeyay dalka iyo dibaddaba , waxaa imanaya wax aan hadhaw waqti loo helayn , ku shubasho iyo ka shubasho meel laguma gaadhsiin karo aayaha dambe ee bulshada.        dawladdu yaanay dhayilsan arrimahan socda   ,  xisbiga talada hayana ha dareemo masuuliyadda saaran  ,  golayaasha  iyo wax garadkuna xaqa ha bidhaamiyaan  ,
xaqsoor  iyo daacad  ayaa dawladnimo lagu gaadhaa.

Rooda Cusmaan Mustawi
Guddoomiyaha Garabka haweenka ee ururka Xaqsoor
    London

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>