Suugaantu way Qaybo badan tahay, qaybaheedana waxa ka mid ah:
Riwaayadaha Soomaalida ee hanaqaadka noqday ee aadka looga yaqaan gayiga Soomaalidu dagto waxa ka mid ah:
a. Riwaayada magaceedu yahay, ‘Masiibadu aduunyada, iyadaa u macallina” oo uu sameeyay Xasan Xaaji Cabdilaahi “Xasan-Ganay”. Riwaayadan waxa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay riwaayadaha ugu xikmadda badan riwaayadaha illaa hadda la alifay.
b. Riwaayada Shabeel-Naagood, oo uu allifay Xasan Sheekh Muumin, riwaayaddan waxa ay ka mid ahayd manhajka duruustii lagu baran dugsiyadii Soomaaliya, waxaana luqada Ingiriisiga u turjumay Guush Andarafiski.
c. Riwaayadda Qabyo ee uu sameeyay Maxamuud Cabdilaahi “Sangub”, waa riwaayad ka mid ah riwaaydaha waayahan dhawayd soo baxay, waxaana illaa hadda soo baxay laba qaybood oo ka mid ah
Riwaayadaha Soomaalidu waa qaar aad u fara badan, xambaarsanna micne iyo xikmad ballaadhan.
Sidoo kale waxa jira maahmaahyo ay dhawaan sameeyeen qaar ka mid ah abwaanada Iyo suugaan yahanada Soomaaliyeed ee hadda nool.
Maahmaahyada waxa loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah
Dhuda, waxa Af-Soomaali ahaan loo yaqaanaa, inta u dhaxaysa laba kurtin, ee shuban, haweenkana waxa qaarkood loo bixiyaa magac ah dhudi, taas oo macnaheedu yahay “Gabadh bilaa turxaan ah, shuban, oo dhud kaliya ah”, marka ay habluhu jiraan afar iyo toban sanno ee ay yihiin seeman, waxa loo keeni jiray maro ka kooban laba dhudood, marka ay habluhu waynaadaan, ee ay noqdaan gashaantina waxa loo keeni jiray maro ka kooban saddex dhudood
Haddii aan tusaaleyaal u soo qaadanno saddexdaas nooc ee maahmaahyada ah
1.Hal-dhudle (dhudkaliyaale): Maahmaahyada hal-dhudleha ahi waa qaar ka kooban hal-dhud, tusaalena waxa u ah weedhii uu yidhi Aadan Galaydh ee ahayd “Adduun I qatal” iyo weedhii Warsame Kamadage ee ahayd “Bari dambe ayaa laga sheekayn”
2.Laba-dhudle (laba-laagle): Maahmaahyada laba-dhudleha ahi, waa qaar ka kooban laba dhudood oo la isu geeyay, tusaalena waxa u ah, adhi been waa didaa, beense ma dhuitiyo.
3.Saddex-dhudle (saddex-laagle) : Maahmaahyada saddex dhudleha ahi waa qaar ka kooban saddex dhudood oo la isu geeyay, tusaalena waxa u ah maahmaahdan saddexleyda ah:
Saddex ayaa ragga u liita
Maahmaahyadu sida ay kala dheer yihiin, una kala dhudo badan yihiin ayay u kala xeer dheer yihiin.
Maahmaahdu, waxaana inta badan la yaqaana dhacdadii ay ku soo baxday, odhaahyada caan baxay ee geyiga Soomaalida ku faafay waxa ka mid ah:
A.La jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan
B.Suldaanoow, saydh tagayay ayaan sor ka reebayay
C.Nin ku arkaya looma sare joogsado
6. Sheeko: sheekadaasi ama ha ahaato sheeko gaaban, ama sheeko dheer. Sheekadu waxay ka warantaa fal rasmi ah oo la arkay ama mid male awaal ah oo ka unkamay maskaxda ruux. Sheekooyinka waxa loo adeegsan jirey Maaweelo ahaan waxaana ay inta badan sabaalo u yihiin carruurta. Sheekooyinka qaarna waa qaar wax tar u leh bulshada dhamaan qaybaheeda kala duwan, oo ka hadlaysa mawduuc xasaasi ah.
Tusaale ahaan, bal hadda u fiirso sheekadan qosol murtiyeedka ah ee aan ka soo daalacanay buugga “Diiwaanka Qosolka” ee uu qoray Jamaal Cali Xuseen. Sheekadan qosol murtiyeedka ahi waana maaweelo, fariina wey dhiibeysaa qudheedu ee bal u fiirso; Aw Xasan – Sheekadii Tuugga
Maalin maalmaha ka mid ah magaalada Burco ayaa Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur oo magaalada maraya meel cidhiidhi ah oo lagu buuqsan yahay, ayaa tuug jeebka bidixda ee Aw Xasan intuu makiinad ku jaray kala baxay lacag ku jirtey si badheedh ah oo dadka qaar arkaayeen oo ay moodayeen in Aw Xasan qudhiisu arkayo oo uu iska qaban doono. Markuu ninkii si deg-deg ah lacagtii ula cararay ee dadkii arkayey ay ku qayliyeen ayaa Aw Xasan lagu yidhi “Aw Xasan maxaad ninka iskaga qaban weydey illayn wixiisu badheedh baabay ahaayeene?” Sidii caadada u ahayd Aw Xasan sangaabta ayuu ka soo qabtay jawaabtii ku munaasibka ahayd isagoo yidhi: “ Eesh qiyaasak, wadnahaaban uga baqanayey inuu isagana igala cararo.” Isagoo Aw Xasan wadnahiisa ka ilaashanaya. Markaa isagu danba kamuu lahayn lacagtee, bal yaanu adiga wax ku yeelin ayaan is lahaa.
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com