CULUUMTA MAANSADA: Qaybaha Suugaanta W/Q Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) 3aad

Filed under: Features |

Suugaantu way Qaybo  badan tahay, qaybaheedana waxa ka mid ah:

 

  1. Maanso: Maansada waxa aan ku tilmaami karaa lafdhabarta suugaanta. Waxaana lagu sheegi karaaba in ay tahay qaybta ugu mihiimsan ee Suugaanta. Maansadu waa tix isku sar go’an oo leh cabbir ama miisaan, sidoo kale leh xaraf ay ku aroorto. Sidoo kale leh luuq ama hab gaar ah oo loo qaado. Maanso kastaaba waxa ay leedahay hab gaar ah oo loogu dhawaaqo isla markaana lagu garto judhaba. Maansada oo faahfaahsan waxaad ku arki doontaa insha Allah qaybaha dambe ee buugga.
  2. Hal-Xidhaale oo ah shay Masalo ah oo la rabo in dadka garaadkooda lagu tijaabiyo, sidoo kalena lagu tijaabiyo heerka aqooneed ee  uu ruuxu leeyahay, waxaana Halxidhaalaha inta badan la weydiin jiray caruurta si ay maskaxdoodu u kobocdo oo ay uga fikirto micnaha dahsoon ee la weydiiyay, sidoo kale wax hal xidhaalayaasha is weydiin jiray Doobka iyo Gashaantimaha wada haasaawaya ee ku kulma gagooyinka ciyaaraha oo ah goobaha Guurku ka aasaasmi jiray. Ciyaaruhu waxay ahaayeen fagaare ay dhallinyaradu isku aragto oo ay ku haasaawdo.
  3. Riwaayad: Riwaayaddu waa qayb ka mid ah Suugaanta, waana hab bulshada lagaga dhaadhiciyo in ay fahmaan dhaqankooda, diintooda iyo hadba wacyiga kale ee markaas taagan. Waa qaab ama hannaan ummadda lagu baraarujiyo oo ama si toos ah ama si dadban loogu dareensiiyo xaajo u baahan ka hadal oo markaas aloosan.

 

Riwaayadaha Soomaalida ee hanaqaadka noqday ee aadka looga yaqaan gayiga Soomaalidu dagto waxa ka mid ah:

a.                  Riwaayada magaceedu yahay, ‘Masiibadu aduunyada, iyadaa u macallina” oo uu sameeyay Xasan Xaaji Cabdilaahi “Xasan-Ganay”. Riwaayadan waxa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay riwaayadaha ugu xikmadda badan riwaayadaha illaa hadda la alifay.

b.                  Riwaayada Shabeel-Naagood, oo uu allifay Xasan Sheekh Muumin, riwaayaddan waxa ay ka mid ahayd manhajka duruustii lagu baran dugsiyadii Soomaaliya, waxaana luqada Ingiriisiga u turjumay Guush Andarafiski.

c.                   Riwaayadda Qabyo ee uu sameeyay Maxamuud Cabdilaahi “Sangub”, waa riwaayad ka mid ah riwaaydaha waayahan dhawayd soo baxay, waxaana illaa hadda soo baxay laba qaybood oo ka mid ah

Riwaayadaha Soomaalidu waa qaar aad u fara badan, xambaarsanna micne iyo xikmad ballaadhan.

  1. Maahmaah; Maahmaahdu waa hadal kooban oo nuxur ballaadhan oo ku soo baxay dhacdo timi oo dabadeed laga hadlay, inta badan lama yaqaano Maahmaahda ruuxii ay ka soo fushay ama ku tiraabay, waxayse ka mid tahay Suugaanta la kala dhaxlo ee uu facba fac u tebiyo. Maahmaahyada ku soo baxay qisada waxa ka mid ah:
  2. Midho geed saaran midho gunti ku jira looma daadiyo
  3. Hal libaax arkaysaa ma godlato, iyo qaar kale oo fara badan.

Sidoo kale waxa jira maahmaahyo ay dhawaan sameeyeen qaar ka mid ah abwaanada Iyo suugaan yahanada Soomaaliyeed ee hadda nool.

Maahmaahyada waxa loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah

 

  1. Hal-dhudle (dhudkaliyaale)
  2. Laba-dhudle (laba-laagle) iyo
  3. Saddex-dhudle (saddex-laagle)

 

Dhuda, waxa Af-Soomaali ahaan loo yaqaanaa, inta u dhaxaysa laba kurtin, ee shuban, haweenkana waxa qaarkood loo bixiyaa magac ah dhudi, taas oo macnaheedu yahay “Gabadh bilaa turxaan ah, shuban, oo dhud kaliya ah”, marka ay habluhu jiraan afar iyo toban sanno ee ay yihiin seeman, waxa loo keeni jiray maro ka kooban laba dhudood, marka ay habluhu waynaadaan, ee ay noqdaan gashaantina waxa loo keeni jiray maro ka kooban saddex dhudood

 

Haddii aan tusaaleyaal u soo qaadanno saddexdaas nooc ee maahmaahyada ah

1.Hal-dhudle (dhudkaliyaale): Maahmaahyada hal-dhudleha ahi waa qaar ka kooban hal-dhud, tusaalena waxa u ah weedhii uu yidhi Aadan Galaydh ee ahayd “Adduun I qatal” iyo weedhii Warsame Kamadage ee ahayd “Bari dambe ayaa laga sheekayn”

2.Laba-dhudle (laba-laagle): Maahmaahyada laba-dhudleha ahi, waa qaar ka kooban laba dhudood oo la isu geeyay, tusaalena waxa u ah, adhi been waa didaa, beense ma dhuitiyo.

3.Saddex-dhudle (saddex-laagle) : Maahmaahyada saddex dhudleha ahi waa qaar ka kooban saddex dhudood oo la isu geeyay, tusaalena waxa u ah maahmaahdan saddexleyda ah:

Saddex ayaa ragga u liita

  • Nin tagaya oo aan la celin
  • Nin jooga oo aan la tirin iyo
  • Nin maqan oo aan la tabin

Maahmaahyadu sida ay kala dheer yihiin, una kala dhudo badan yihiin ayay u kala xeer dheer yihiin.

  1. Odhaah: Odhaahdu waa hadal ku aroora dhacdo timi oo laga hadlay, odhaadhu ma xambaarasana micne ballaadhan oo la mid ah micnaha ay xanbaarsan tahay

Maahmaahdu, waxaana inta badan la yaqaana dhacdadii ay ku soo baxday, odhaahyada caan baxay ee geyiga Soomaalida ku faafay waxa ka mid ah:

A.La jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan

B.Suldaanoow, saydh tagayay ayaan sor ka reebayay
C.Nin ku arkaya looma sare joogsado
6. Sheeko:  sheekadaasi ama ha ahaato sheeko gaaban, ama sheeko dheer. Sheekadu waxay ka warantaa fal rasmi ah oo la arkay ama mid male awaal ah oo ka unkamay maskaxda ruux. Sheekooyinka waxa loo adeegsan jirey Maaweelo ahaan waxaana ay inta badan sabaalo u yihiin carruurta. Sheekooyinka qaarna waa qaar wax tar u leh bulshada dhamaan qaybaheeda kala duwan, oo ka hadlaysa mawduuc xasaasi ah.

 

Tusaale ahaan, bal hadda u fiirso sheekadan qosol murtiyeedka ah ee aan ka soo daalacanay buugga “Diiwaanka Qosolka” ee uu qoray Jamaal Cali Xuseen. Sheekadan qosol murtiyeedka ahi waana maaweelo, fariina wey dhiibeysaa qudheedu ee bal u fiirso; Aw Xasan – Sheekadii Tuugga

 

Maalin maalmaha ka mid ah magaalada Burco ayaa Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur oo magaalada maraya meel cidhiidhi ah oo lagu buuqsan yahay, ayaa tuug jeebka bidixda ee Aw Xasan intuu makiinad ku jaray kala baxay lacag ku jirtey si badheedh ah oo dadka qaar arkaayeen oo ay moodayeen in Aw Xasan qudhiisu arkayo oo uu iska qaban doono. Markuu ninkii si deg-deg ah lacagtii ula cararay ee dadkii arkayey ay ku qayliyeen ayaa Aw Xasan lagu yidhi “Aw Xasan maxaad ninka iskaga qaban weydey illayn wixiisu badheedh baabay ahaayeene?” Sidii caadada u ahayd Aw Xasan sangaabta ayuu ka soo qabtay jawaabtii ku munaasibka ahayd isagoo yidhi:  “ Eesh qiyaasak, wadnahaaban uga baqanayey inuu isagana igala cararo.” Isagoo Aw Xasan wadnahiisa ka ilaashanaya. Markaa isagu danba kamuu lahayn lacagtee, bal yaanu adiga wax ku yeelin ayaan is lahaa.

 

La Soco Qaybta 4aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com

FACEBOOK: Saeed Mohamoud Gahair

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>