Gudoomiyaha Maxkamada sare ku baaqay in lagu Maxkamadeeyo burcad badeeda dalka Soomaaliya

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf oo maanta ka qayb galay Munaasabad Tababar loogu soo xiray 90 Howlwadeen oo isugu jira Xer Ilaaliyayaal, kaaliyaal iyo gaarsiiyayaal ka howl-galayay garsoorka dalka ayaa waxaa uu gudoomiyaha ugu horayn waxaa uu la dar daarmay Howlwadeenadaas.

Gudoomiyaha ayaa ka codsaday qaybahaas kala duwan ee howl wadeenada ah inay ku camal falaan casharadii ay ku qaateen mudadii uu tababarka u socday oo gaaraysa Mudo halsana ah.

Intaa kadib Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ceydiid Ilka xanaf ayaa waxaa uu ka codsaday Ciidamada Caalamiga ah ee ku sugan biyaha Soomaaliya kooxaha burcad badeeda ay qabanayaan inay ku soo wareejiso Dowlada Soomaaliya oo la xisaabtami doonta Islamarkaana ay dacwadahood ku qaadi doonta dalka.

Hadalka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa waxaa uu yimid iyadoo dalalka reer galbeedka ay maxkamadeeyaan dad ku eedeysan Shabaab iyo Burcad badeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>