Haweynay Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay taageertay Al Shabaab oo xakun lagu riday

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

San Diego Dec 12,2012(SDN)-Haweynay Soomaali ah oo ku nool dalka Maraykanka ayaa lagu xukumay 8-sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay danbi ah in Al Shabaab ay u dirtay lacago ay ka aruurisay dadka ku nool Maraykanka.

Nimca Ali Yusuf oo 26-sano jir ah ayaa dacwadeeda lagu dhageystay San Diego, waxaama ay qiratay in la cagtaasi ay u dirtay Soomaaliya balse aysan u diray kooxo Argagixiso oo hakaasi ku sugan.

Nimca Cali aya tilmaamtay in lacagtay ay dirtay oo gaareysay $1,450 lagu fuliyay adeegyo aasaasi ah oo waxtar u leh bulshada sida in lagu iibiyay Cunooyin iyo daawooyin kuwaasi oo loo qeybiyay dad dhibaateysanaa.

Haweyneydan ayaa qirtay in lacagta ay u dirtay afar qof oo lagu yaqaano taageerida Al Shabaab intii u dhaxeysay 2009-kii iyo 2010-kii waxaana sidoo kale ay beyn u sheegtay hay’adda FBI iyo hay’adda baritaanada Ammaanka gudaha.

Nimca Cali ayaa ah qofkii ugu horeeyay ee lagu xakumay taageerida Al Shabaab oo uu Maraykanku ku daray Liiska Argagixisada, laakiin waxaa jira dad badan oo danbiyo ceynkaani oo kala ah ku eedeeysan kuwaasi oo badi ku nooL Minnesota.

SDN-San Diego

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>