Maxkamada Gobolka Hargeysa oo Guddida Doorashooyinka Dib ugu celisay goaankii ay dhawaan u soo gudbiyeen

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa Dec 12,2012(SDN)-Guddoomiyaha maxkamada Gobolka Hargeysa Md Cabdirashiid Maxamuud Duraan ayaa dib ugu celiyay goona ay maxkamada dhawaan u soo gudbiyeen oo la xidhiidha doorashooyinkii gollaha degaanka ee Hargeysa.

Guddida doorashooyinka ayaa dib u eegis ku sameysay oo qura xaafad ku taal magaalada Hargeysa oo la yidhaa Faroweyne,halka laga filayay in ay dib u tiriyaan codadkii laga dhiibtay Magaalada Hargeysa oo idil.

Guddida Doorashooyinka ayaa natiijada Hargeysaoo ay ka bedeen uun laba xildhibaan u guddbiyay maxkamada.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Md Duraan ayaa Guddida doorashooyinka dib ugu celiyay natiijada sheegayna in aaney sharciga waafaqsaneyn.

Guddida Doorashooyinku waa in ay kolka hore shaaciyaan natiijada cusub ee labada xildhibaan la isku bedelay intaaney maxkamada u guddbin.

Goaanka maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa ahaa mid aan saxaafada loo soo bandhigin balse ay si hoose u shaacisay jariirada Geeska Africa.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>