Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Garacad

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Garacad Dec 12 2012 (SDN)—Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal ciidamada maamulka Puntland ee mariniska iyo kooxaha burcad badeeda Soomaalida ku dhexmaray deegaanka garacad ee Gobalka Mudug.

Sida uu Warabaahinta Magaalada Muqdisho u sheegay Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur weerar qorsheysan ayuu sheegay inay ku qaadeen burcada.

Wuxuu sheegay in ciidamada Maamulka Puntland ay weerarka ku qaadeen kooxo burcad ah oo halkaasi ku heestay markab muddo sanado ah ay haysteen iyo sidoo kale shaqaalo la socday halkaasina ay khasaaro kala duwan ku gaarsiiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in kooxaha burcada ay gaarsiiyeen khasaaro kala duwan islamarkaana weerarkaasi ay ku dileen saddex ruux oo burcada ka tirsan.

Diyaaradaha dagaalka ee ay leeyihiin ciidamada Saracen ee caawiya ciidanka maamulka Puntland ayuu sheegay inay ka qeyb qaateen howlgalkaasi islamarkaana ilaa iyo iminka ay ku hareeraysan yihiin goobta uu howlgalka ka dhacay ee garacad.

Markabka ay haystaan kooxaha burcada badaha ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Yemen inkastoo uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobalka Mudug ee Puntland inuusan garaneyn shaqaalaha saaran iyo halka ay udhasheen.

Sidoo kale mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay qurbejoog.com ayaa sheegay in ciidamada howlgalka fuliyay ay khasaaro gaarsiiyeen dadka shacabka ah ee ku sugan xeebta Deeganka Garacad ee Gobalka Mudug kaasi oo yimid kadib markii weerar ay soo qaadeen ciidamada Maamulka Puntland.

Inkastoo masuuliyiinta maamulka Puntland ay horay usheegeen in deegaanka Garacad ay ka saareen kooxaha Burcada Badaha ayaa hada waxaa muuqata in hadalkaasi uu meesha ka baxay islamarkaana Burcad badeeda ay awood ku leeyihiin xeebta Deegaanka Garacad.

SDN-Garacad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>