Woqooyiga Kuuriya oo tijaabisay Gantaal Rido dheer iyo walaaca Caalamka

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Pyongyang Dec 12,2012(SDN)-Dawlada dalka Kuuriyada Woqooyi ayaa beesha caalamka ka fajicisay ka dib kolkii ay ijaabisay mid ka mida gantaalada ridada dheer ka dib kolkii ay dhawaan shaacisay in ay dib u dhigtay tijaabada.

Dawlada Koonfur Kuuriya ayaa tijaabada dabadeed isugu timi kulan degdega oo ay yeesheen gudida qaran ee amniga dalkaasi.

Dawlada Japan ayaa saxaafada u xaqiijisay Gantaalka ay Woqooyiga Kuuriya tijaabisay.

Japan ayaa intaa raacisay in Gantaalku uu dulmaray Jasiirada dalkooda ku taal ee Okinawa,balse aaney difaaca dalka Japan qaadin wax talaabo ah oo lagu soo ridayo gantaalka.

Xoghayaha Xukuumada Japan Osamu Fujimura oo saxaafada u waramay ayaa sheegay in ay Woqooyiga Kuuriya ka dalbatay in aaney gantaalka tijaabiso,balase aan laga hoos qaadin.

“Aaad ayaan uga xunahay in Woqooyiga Kuuriya ay dheg jalaq u siin dalabkayagii ku wejahnaa Gantaalka ay tijaabisay,mana aha wax loo dulqaadan karo”ayuu yiri xoghayuhu.

Gantaalka oo aan la shaacin natiijada tijaabadiisa ayaa ku burburay gacanka Kuuriya,halka qeybo ka mid ahi ay ku dheceen meel aad ugu dhaw dalka Philippines.

Dalal badan oo reer galbeedka ka mida ayaa dhaleeceeyay tijaabada ay Woqooiga Kuuriya ku sameysay Gantaalka ridada dheer.

Woqooyiga Kuuriya ayaa damacsan in ay ugu danbeynta ay gantaaladan qaadan hubka Nuclearka.

SDN-Pyongyang

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>