ADDUUNKA KUMA DHAMAANAYO KALENDARKA REER MAAYA 12/12/2012.
“Laakin Caddaalad darrada iyo musuq maasuqa ayaa ku dhamaan doona”
BAAQ KA SOO BAXEY XISBIGA LEEBARKA SOMALIA.
12/12/2012
Kulan ay yeesheen Hoggaanka Xisbiga Leebarka Somaliyed maanta oo ay Taariikhdu tahay Arbaco 12ka Bisha 12aad sannadka 2012, kuna beegan Sannad guuradii Koowaad ee aasaaska Xisbiga, waxaa dood dheer iyo falanqeyn ka dib ka soo baxey qodobada soo socda:
Arrimahaas oo dhan waxey Hoggaanka Xisbiga Leebarka isla garteen iney sabab u yihiin “ CADAALAD DARRO, DADNIMO XUMO, XISHOOD DARRO, DIIN IYO DAMIIR LA’AAN “ loona baahan yahay in si deg deg ah ay Shacabka wax uga qabtaan si loo joojiyo xad-gudubyadaas oo haddii ay sii socdaan dhici karta iney u horseedaan bur bur iyo halaag iyo Caradii Ilaaheey iney ku hoobsato kuna soo dhacdo, Allaha naga koriyee.
Ugu dambeyntii Hoggaanka Xisbiga wuxuu isku raacey in Adduunka iyo Somalia lagu bad baadin karo keliya “ Cadaalad Run ah, Shaqo, Sharaf, iyo Allah ka cabsi “, arrimahaas oo lagu gaari karo keliya in lagu midoobo Siyaasadda Xisbiga Leebarka oo sida taariikhda ina bareyso ay dhowr jeer hore loogu soo bad baadiyey Adduun dhaqaale la’aan iyo musuq maasuq halaagey laguna tir tirey sed buursiga dhaqaale.
Maxamed Sheikh – Afhayeenka XLS
Email: solaparty2011@yahoo.ca