Xukuumada Somaliland oo Jawaab ka bixisay hadalkii Dr Gaboose

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa Dec 12,2012(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa jawaab ka bixisay eed uu shalay u jeediyay Guddoomiyaha ururka Ummadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose u jeediyay oo uu uga hadlayay habkii iyo hanaankii xukuumada Somaliland ay u maareysay Doorashooyinkii goleyaasha degaanka.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa jawaab uu ku weerarayo Dr Gaboose ka bixiyay eedaha loo jeediyay.

Hadalkii Afhayeen Dhuxulna waxaa ka mid ahaa”“waxaan jecelahay in aan jawaab kooban ka bixiyo hadalka ka soo yeedhay guddoomiyaha urur siyaasadeedka Ummada Dr. Gaboose ee uu ku sheegay in la soo aasayo dimuqraadiyadii Somaliland, taasi waxay qadaf ku tahay shacabka Somaliland jiritaankiisa iyo rabitaankiisa, dimuqraadiyada dalkuna ma aha wax uu qof keli ahi hal-beeg uga dhigto masaaliixdiisa iyo rabitaankiisa, waana xaquuq aasaasi ah oo uu hirgelinteeda dastuurka dalku jideeyay, dimuqraadiyadii iyo doorashooyinkii dalka hore uga dhacay dadku wuu u bislaaday, amaana aduunka ayaan kaga helnay.

Xukuumada madaxwayne Axmed Siilaanyo waxay ka shaqaysay oo ay ahayd tii balaadhisay saaxada siyaasadda ee furtay ururada siyaasaddeed ee cusub ee Dr. Gaboose ururkiisu ka midka yahay, ee qof kasta oo damac lahaa oo markii hore saddexdii xisbi ee jiray meel uu ka galo waayay uu ka faa’iidaystay, arrintaasina waxay xukuumadani shacabka kaga kasbatay taageero iyo sharaf, madaxwaynuhuna wuxuu ka dhabeeyay balan qaadkiisii xiligii lagu jiray ololihii doorashadii madaxwaynaha ee sanadkii 2010-kii.

Dr. Gaboosena waxaa u eg in uu hadaladiisii uu shalay hore u yidhi in uu maanta dib u akhriyo, hadalkiisana waa mid uu u jeedo ka leeyahay oo uu mixnad ku abuurayo isla markaana uu eedo qaawan oo aanay waxba ka jirin kula galgalanayo xukuumada.

Xukuumada Somaliland wax faragelin ah kumay samaynin doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee dalka uga qabsoomay sida nabad geliyada ah, wixii khaladaad ah ee jirana in la saxaa waa mid munaasib ah laakiin cida arrintaa loo daba fadhiisanayaa ee ay shaqadeeda tahay waa guddida doorashooyinka qaranka ee uu hore u cadeeyay in uu ku kalsoon yahay garsoorkooda isla markaana uu saxeexay heshiiskii anshaxa doorashooyinka.

Dimuqraadiyada Somaliland waa mid weligeedba jiraysa oo Somaliland la nool mana aha mid lagu aasayo rabitaanka Gaboose, hadalkiisuna wuxuu gaf ku yahay shacabka Somaliland waayo marka uu leeyahay dimuqraadiyadii ayaa la soo aasayaa macneheedu waxa weeye Somaliland ma jirayso, waxaynu doorashooyinka u samaynanaana waa in aynu aduunka tusno in aynu nahay dal dimuqraadiyada oo xor ah”. ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Afhayeen Dhuxul.

Dr Gaboose ayaa shalay xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay doorashooyinkii dalka ka dhacay 28kii November ay ku shubatay,sidaa awgeedna la xabaalayo Dimuqraadiyadii dalka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>