Chelsea oo u soo baxday Finaalaha Koobka kooxaha Aduunka

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Yokohama Dec 13 2012 (SDN)— Kulankan oo ahaa Semi Final-ka koobka kooxaha aduunka CWC kana dhacay garoonka Nissan Stadium ee magaalada Yokohama ayaa ku bilowday jawi dardar lahaa ayadoo labada kooxood ay ku dadaalayeen in mid kastaaba tan kale gool kala hormarto.

kooxda ka socotay wadanka England ee heysata horyaalka reer Yurub ee Chelsea ayaana u muuqatay mid ka awood rooneyd guud ahaanba qeybihii ciyaartan dhigeeda ka socotay wadanka Mexico.

Qeybtii hore ee kulankan ayey kooxda Chelsea hogaanka ku heysay 1-0 goolkaas oo uu usaxiixay xidiga reer Spain ee Juan Mata kadib isku soo noqoshadii ciyaarta qeybteeda danbe ayey Chelsea isla daqiiqad gudaheed hogaanka u dheereysatay ciyaarta.

kadib markii Fernando Torres uu shabaqa dhex dhigay kubbada daqiiqadii 46aad isagoo waayahan danbe kusoo noqday masraxa gool dhalinta ee kooxdiisa Blues waxaana laba daqiiqo kadib gabi ahaanba ciyaarta jiifiyay Chaves kaasoo kooxdiisa ka dhaliyay gool daqiiqadii 48aad ee ciyaarta 3-0.

Wixi intaas ka danbeeyay ayeynu ciyaartu gashay jawi deggan maadaama Chelsea ay awooda ciyaarta maamuleysay isla markaana aysan xooga saareyn in ay sii dheereystaan hogaankooda daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaarta ayana kooxda reer Mexico waxaa goolka sharafta u dhaliyay xidigooda Nigris kooxda 3-1, Chelsea ayaana haatan iska xaadirisay Final-ka koobka kooxaha aduunka ayagoo la ciyaari doona kooxda Corinthians.

SDN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>