Golaha Ammaanka oo Canbaareeyay Gantaal ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

New York Dec 13 2012 (SDN)- Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa canbaareyay Gantaalkii ridada dheeraa ee ay dowladda Waqooyiga Kuuriya ay tijaabisay kaasi oo lagu tilmaamay in uu carqaladeynayo Ammaanka caalamka.

Madaxweynaha golaha ee waqtigan Mohammed Loulichk oo ah Ambasadorka Maroco u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in talaabada ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabisay gantaal uu yahay mid burinaya xeerarka u yaalla golaha Amaanka.

Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Pyongyang ay sii wadi doonto tijaabinta gantaalo kale oo rida dheer taasi oo carqaladeyn karta Ammaanka gobolka gobolka, waxaana ay ku baaqeen in talaabo laga qaado.

Diblomaasiyiinta reer galbeedka ee fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale siwada jir ah u can baareeyay tijaabinta gantaalkaasi rida dheer leh waxaana ay ku tilmaamay dhibaanteyn gobol.

SDN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>