Guddoomiyaasha Barlamanka Jabuuti iyo Soomaaliya oo la kulmay Shaqaalaha dekada Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Dec 13 2012 (SDN)— Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti iyo sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan la qaateen shaqaalaha dekada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay Dekada Magaalada Muqdisho ayaa labada masuul waxa ay kulanka la qaateen dhamaan shaqaalaha Dekada Magaalada Muqdisho oo ay kala hadleen arimaha dekada Muqdisho.

Markii shaqaalaha Dekada Muqdisho kulanka ay la qaateen labada masuul uu soo dhamaaday kadib ayeey si wadajir ah ula hadleen warbaahinta waxaana ay ka warameen ujeedka kulankooda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaasi oo sheegay in Guddoonka Baarlamaanka Jabuuti ujeedka uu usoo booqday dekeda magaalada Muqdisho ay tahay ukuurgelida sida ay ushaqeyso dekeda Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dekeda Muqdisho ay tahay dekad si wanaagsan u shaqeyso islamarkaana ay ka shaqeeyaan shaqaalo badan oo isugu jira muruq maal iyo sidoo kale kuwa Dowladda ka tirsan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Idiris Arnaa’ud Cali oo isna halkaasi kula hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in dekeda Magaalada Muqdisho ay tahay dekad wanaagsan islamarkaana ay tahay ilaha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya.

Shaqaalaha Dekeda Muqdisho ayuu ujeediyay dardaaran ku aadan inay si wanaagsan u gutaan shaqada islamarkaana dekeda Magaalada Muqdisho ay tahay ilaha dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Muqdisho uu soo gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti islamarkaana uu kulan la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>