Kenya oo shaacisay habab cusub oo ay kaga hortageyso weerarada ka dhaca dalkeeda

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Dec 13 2012 (SDN)— Dowlada Kenya ayaa ka walaacsan in weeraro argagixiso oo hor leh ay ka dhacaan gudaha dalka Kenya, inta shacabka Kenya ay ku guda jiraan u dabaal degida sanadka cusub.

Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay heegan buuxa ay gelisay ciidamadeeda ammaanka, iyadoo ka digtay weeraro ka dhan ah shacabka iyo Kenya ay kooxo hubeysan oo Mas’uuliyiinta Kenya ay ku sheegeen in Al-Shabaab fuliyaan wadankaasi, inta ay socdaan munaasabada ay shacabka Kenya isla dhexqaadayaan sanadka cusub.

Dowladda Kenya ayaa tilmaamtay in Hey’adaheeda sirdoonku ay hayaan xog ku saabsan in Ururka Al-Shabaab ay doonayaan inay weeraro ka geystaan magaalooyinka kala duwan ee Kenya.

Hay’adaha ammaanka ee Kenya ayaa xaqiijiyay in kooxaha argagixisada ay qorsheynayaan weeraro argagixiso oo lagu soo beego munaasabadaha loogu dabaaldegayo sanadka cusub ee ka dhicidoona gudaha dalka Kenya, waxeyna hey’adaha ammaanka Kenya ay sheegeen inay ka digtoonaan doonaan kana hortagi doonaan weerarada ay qorsheynayaan argagixisada.

Hadalkaan ka soo baxay Kenya ayaa ku soo aadaya,iyadoo ay oo fooda inagu soo hayso sanada cusub oo maalmo qura ay ka harsan yihiin,iyo waliba iyadoo maamulka magaalada Gaarisa ay ka warbixiyeen rag ay ku eedeeyeen Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen oo doonayay inay qaraxyo ka fuliyaan gudaha dalka Kenya. kuwaas oo watay walxaha qarxa doonayayna inay weeraro ka geystaan magaalada Gaarisa intii ay socotay munaasabadii xuska maalinta madaxbanaanida dalkaasi oo shalay ka dhacday Gaarisa.

Dowlada Kenya ayaa haatan waxa ay wajaheysaa caqabad dhanka amaanka ah,iyadoo arintaasi sabab loogu dhigay soo gilitaanka ciidamada kenya ee dalka Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>