Xasan Sheekh: Wax wadahadal ah lama galeyno Ajaanibta ka garab dagaalameysa Shabaab

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Dec 13  2012 (SDN)-  Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dowladiisu ay wiiqday Awoodii Al Shabaab islamarkaana ay wadaan in maamulkooda ay ku baariyaan meelo badan oo dalka ka mid ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Waxgarad ay u direen goobaha ay Al Shabaab ay maamulaan si dhalinyarada u dagaalamaya looga dhaadhiciyo in ay ku soo biraan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan wax wadahadal ah laga leyn Ajaanibta ka dagaameysa Soomaaliya ee la socota Al Shabaab waxana uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in awood ay uga saari doonaan dalka.

Hadlka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dowladda ay isku fidineyso meelo badan oo dalka ka mid ah islamarkaana ay ka qabsadeen Al Shabaab deegaano iyo degmooyin ka mid ah gobolada dalka.

SDN-Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>