Aynu ku hadalno waxa aynu ku dhaqano aynu ku dhaqano waxa aynu ku hadalno Faalo

Filed under: Features |

 

Waa Faalo Guud ,Qabyaalada is Xigtaysiga iyo ku kala dheeraynta abtirsiimadu waa astaanta dibu dhaca,hadii aanad fikirkaa la wadaagin inta Xididka iyo Xasabadaba aad wadaagtaan, waxaa lagu arkayaa mid aan waxba kala socon danta reerka oo ay suuro gal tahayba in lagaa Xanqarsado,lagama yaabo in lagaa talo galiyo kulan ay yeeshan inta aad wada dhalateen.

Waxaynu isku qancinay inaynu nahay Bulsho dimuquraadi ah,oo ka kortay hanaanka qabaliga ah isla markaana higsanaysa ummadaha kale ee ku dhaqankeeda ku gaadhay horumarka ay ku naaloonayaan,balse Luuqada aynu ku wada hadlayno uma fiirsano inay dhab tahay iyo in Afkeena iyo Uurkeenu laba shay oo aan isgeyin inay ku hadaqayaan.

Tan iyo markii aynu codka rabitaanka dadweynaha ku ansixinay distoorka dalka u dejisan,in ka badan toban sano ka hor waxaynu garaacnay albaabka dimuquraadiyada,inkasta oo aan la dafiri karin isbedelka aynu samaynay mudadaas,hadana marka la barbar dhigo filashadii laga eegayay ee ka koritaanka hanaanka qabaliga ah waa Kaaf iyo Kala dheeri.

Nuxurka qormadan kooban aan ku milicsado doorashadii u danbaysay ee Golayaasha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay 28kii bishii hore ee November,iyo dharaarihii ka horeeyay ee Suuqa Siyaasadu uu Xaamiga ahaa waxaa dhagaha Shacabka iyo inta danaysa nidaamka dimuquraadiyadu waxaa la yaab ku noqonaysa Murashixiin ku soo baxay Liiska Doorashada isla markaana warbaahinta ka sheegayay inay ka tanaasuleen Murashixnimadoodii iyagoo ku doodaya inay u sidaa u yeeleen wada tashi ay la yeesheen beeshooda oo ku qanciyay in uu xilkaas u daayay Murashax kale oo ay isku raas yihiin, waxaa taas ka sii daran marka uu cadeeyo/cadayso inay ku biirtay Xisbi ama Urur Siyaasadeed ka duwan kii ay ka sharaxnaayeen,hadana ay inoo sheegaan in sababta ay sidaa u yeeleen ay tahay in Xisbigii ama Ururkii uu ku jiray aanu ka turjumayn waxyaabihii uu ka filayay,hada la soco ma jiro ama waa Faro ku tiris Murashax Xisbiga ama Ururkanaa wax ka og barnaamijkiisa .

Dhanka kale Axsaabta iyo Ururadii ku loolamayay doorashadii deegaanka ayaa habka xulashada Murashixiinta uga qayb qaadanaysay doorashada ku saleeyay qaabka degsiimooyinka waana sababta loogu magacaabo “Dimuquraadiyad Qabyaaladaysan”, way yar tahay inta Murashax ku qaadatay Aqoon,Daacadnimo,iyo Wax tar ummadeed,waayo Xisbi iyo Urur kastaa waxa keliya ee uu ka cararayay waxay ahayd sidii uu ugu soo gudbi lahaa Xisbinimo, Waxay eegayeen Saamaynta uu Murashaxani beeshiisa ku dhex leeyahay iyagoo aan Xisaabta ku darin fal celinta kale ee kaga imanaysa bulshada kale, Waxaa jirtay in Madaxda Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada xafiisyadooda loogu keenayay Murashixiin ay dabada ka riixayaan Salaadiin,iyo Odayaal dhaqan dalabkooduna ahaa in ka qudha ee beel heblaayo ay soo sharaxday uu kan ay wadaan yahay,Markaas Miyaanay  Xaqiiq ahayn in dimuquraadiyada aynu ku tartamayno ay ka awood badan tahay nidaam beeleedku.

Kama Masuugayo Shakhsiyaad faro ku tiris ah oo aqoontooda iyo kartidooda miidaanka tartanka la yimid.

Si kastaba ha ahaatee “Aynu ku hadalno waxa aynu ku dhaqano aynu ku dhaqano waxa aynu ku hadalno”

Yuusuf Maxamed Ismaaciil

Hargaysa SDN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>