Diyaad Cabdi Kaliil: Maalmaha soo aadan ayaa laga Ciribtirayaa Al Shabaab gobolka Gedo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Baardheere Jan 02 2013 (SDN)- Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa ku hanjabay in Xarkada Al Shabaab maalmaha soo aadan laga ciribtiri doono degaanada ay uga harsan yihiin gobolka Gedo.

Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah saraakiisha gobolka Gedo ee Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkan cusub maalmihiisa koowaad qorshuhu yahay in Al Shabaab iyo kooxaha la mid ah laga ciribtiro gobolka Gedo.

Diyaad Cabadi Kaliil waxa uu xusay in Al Shabaab ay tabardareyeen in ka dhimana lagu dari doono islamarkaana aan la ogolaan doonin in ay ku sii sugnaadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Hadalkan ayaa soo kabaxay kaddib kulan ka dhacay gobolka oo looga hadlayay Amaanka Gedo si dii looga hortagi la haa Al Shabaab iyo kooxaha la midka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>