Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo sheegay in Baydhabo ay tahay Nabad

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Baydhabo Jan 03 2013 (SDN0— Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya C/xariin Xaaji Maxamuud Fiqi ,ayaa waxaa uu shacabka magaalada Beydhabo ku amaanay sida ay ugu heelan yihiin dowladnimada .

Wuxuu sheegay in magaalada Beydhabo loogu soo dhaweeyay si wanagsan ,isagoona uga mahad celiyay Shabacna iyo Mamulka magaalada,isagoo xusay in Beydhabo xilligan ay tahay mid nabad ah.

“Magalada waa mid nabad ah kulamo ayaanu la qaaday maamulka magalada ,waxaa kaloo sameynay inaan kusoo wareeganay magaala waliba si nabad ah sidaasi waxaa yiri C/xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka gaashan dhigga Soomaaliya.

C/xakin Fiqi Wasiirka gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya ayaa sidoo kale umahad celiyay ciidamadii Ethopia ee ka caawiyay ciidama dowladda Saamaaliya sidii gacanta loogu dhigi lahaa magaalada Beydhabo.

Shalay ayuu Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, waa markii ugu horeysay ee uu gaaro Beydhabo tan iyo markii loo magacaabay xilkan , inkatoo magaalooyin ay kamid yihiin Jowhar Marko iyo Kismaayo uu kol hore booqday Wasiirka.

SDN-Baydhabo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>