Xisbiga Wadani oo dabaal deg la yaab leh ka sameeyay Caasimada Hargaysa

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargaysa 3 Jan (SDN)

 

Munaasibad balaadhan oo loogu dabaal degayay Guusha Xisbiga Wadani ka soo hooyay Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay dabayaaqadii Bishii November ee Sannadkii tagay ayaa Maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

 

Xisbiga Wadani oo ahaa Urur Siyaasadeedkii keliya ee u soo Gudbay Marxalada Xisbinimo,waxaa ka soo qayb galay Munaasibada dabaal degiisa,Siyaasiyiin, Aqoon yahano,Hogaanka Xisbiga,Xubnaha Golaha Dhexe,Gudida Fulinta ee Xisbiga Wadani,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Shirgudoonka Golaha Wakiilada iyo Marti Sharaf kale.

Gudoomiye ku xigeenada Urur Siyaasadeedyadii Ummada Eng C.rashiid Maxamed  Cali iyo Rays Aadan Axmed Cilmi “Dhoola yare” oo Madashii dabaal dega Xisbiga Wadani ka hadlay ayaa si isku mid ah dareenkooda ugu Muujiyay inay ku faraxsan Yihiin Xisbiga Wadani inuu ka Mid noqdo Sadexda Xisbi Qaran ee dalku yeelanayo Mudadda Tobanka Sanno ee Socda waxaanay intaas ku dareen in Tabashadii ay qabeen ay ku liqeen danta qaranka iyo nabadgalyada Ummadu haysato.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dheer halkaasi ka soo jeediyay ayaa sheegay inuu Saaxada Mucaaridnimo ku soo dhawaynayo Xisbiga Wadani waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Cadeeyay in Markii la furayay Ururada Siyaasadeed,isla markaana doorashada lagu galayay Diiwaangelin la’aan la sii ogaa inay sidii doorashadu u dhacday ay wax ku khaldami karaan waxaanu intaas ku daray inay haboon tahay sidii loo sixi lahaa wixii inaga Khaldamay.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo Madashii dabaal dega Guusha Xisbiga uu hogaamiyaha u yahay halkaas ka jeediyay ayaa iftiimiyaha dhabadaha uu Xisbigani ku soo dhaafay Marxaladii Ururnimo iyo Doorashadii Golayaasha Deegaanka isla markaana uu ka mid noqday Sadexda Xisbi Qaran ee dalku yeeshay Mudada Tobanka Sanno ee Soo Socda.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani waxa uu hoosta ka xariiqay in khaladaadkii ka dhashay doorashadii Golayaasha Deegaanka ay waajib tahay sidii xal Midaysan looga gaadhi lahaa isagoo tacsi u diray dhamaan intii ku geeriyootay amase ku dhaawacantay natiijadii doorashadii Golayaasha Deegaanka .

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani waxaa uu Mar kale ka hadlay isku haynta labada Xil ee Gudoomiyaha Xisbiga Wadani iyo ka hogaaminta Golaha Wakiilada waxaanu sheegay inaanu jirin qodob ka hor istaagaya inuu labadaa Xil oo ku yimid doorasho aanu isku qaban karin waxaa kale oo uu daboolka ka qaaday in Xisbiga Wadani uu yahay Xisbi Mucaarid ah isla markaana  ka run sheegi doona wixii dhaliil ah ee Xukuumada uu ka arko isagoo u maraya sida uu Tilmaamay dariiqa Sixitaanka .

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani waxa uu jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Dhigiisa Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ,isaga oo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ku sifeeyay nin aan ogolayn inuu ka dego Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Mar Sadexaad isu taagay Hogaaminta Xisbiga Ucid waxaa kale oo uu Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid uu si Kaftan ah fariin ugu diray in Qori aanu Cabayn uu Keebkiisa iska ilaaliyo .

Waxaa kale oo Munaasibadaas ka hadlay Qaar ka mid ah Madaxda iyo Mas’uuliyiinta kala duwan ee Xisbiga Wadani iyo Qaar ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland

Wararka kale ka imanaya Gobolada iyo Degmooyinka dalka ayaa Sheegaya in Xisbiga Wadani uu ka sameeyay dabaal degyo uu ku weynaynayo ku soo bixista Sadexda Xisbi ee dalku yeeshay taas oo ay kala qayb galeen Madax iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadani waxaana ka mid ah Magaalooyinka Ceerigaabo,Laascaanood,Burco,Berbera,iyo Boorama.

Hargaysa SDN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>