Lionel Messi oo Ku Guuleystey Markii Afraad oo Isku Xigta Abaalmarinta (The Fifa Ballon D’Or Award) (By Jaahuur)

Filed under: Features,Sports,Wararkii ugu Dambeeyay |

Zurich-Jan-07-2012-qurbejoognews.com-Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxeynu ku lafagureynaa mucjisada kubadda cagta ee qarnigan(Lionel Messi) oo ku guleystey markii afaraad oo isku xigta abaalmarinta (The Fifa Ballon D’Or Award).

25-tan jirkan reer Argentin Messi ayaa loo gartey ama loo xuley inuu ciyaaryahanka kubadda cagta u fiican Koonkan aynu ku nool nahay ee ilaahay abuurtey .

Mucjisadani waxaa la tartamayey oo dhagaha ka garaacdey xiddiga reer Portugal Christisno Ronaldo iyo Andres Iniesta oo ay isku koox yihiin.

Hadii aan idiin sheego runta ma fileynin inaan afar jeer oo isku xigata inaan ku guuleysanayo abaalmarintan qaaliga ah waana ku mahadsantihiin,sidaana waxa ka dhawaajiyey Lionel Messi.

waxaa xusid mudan in la shaaciyo xiddigihii ka horeyey sida Ronaldo Brazil,Zenedine Zidane France oo min seddex jeer qaadey,waxa kale oo ku guuleystey (The Old Baloon D’Or) min saddex jeer Michel Platini,Johan Cruf iyo Marco Van Basten.

Messi waxaa u foodey(Vote) ciyaartoyda Qaranka,Tababarayaasha iyo Suxufiyiinta wuxuuna heley (%41.60-per cent) Ronaldo (%23-68-per cent) iyo Iniesta (%(10-91 per cent).

Mucjisadan kubadda cagta ee aduunka Lionel Messi ayaa uruursadey 91-Gool kana kala heley Waddankiisa iyo Barcelona,Laakiin ma jabindoonaa Rikoodhkii xiddigii reer Zambid Godfrey Chetalu oo jeebka ku haysta 107 Gool.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoognews .com

jjaahuur@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>