WASIIR ABDIASIS SAMALOW ARINTA CASHUUR KORDHINTA QAADKA KALA TASHO DADKA QAADKA KEENA.!!!!!.

Filed under: Features |

Waxaan salamaaya dhamaan dadka akhirsta maqaalkan.

Waxaa jirta in Geedka Qaadka la yidhaa uu yahey geed uu Ilaahey subxaana wa tacaale aduunka guudkiisa gaar ahaan geeska Africa ku beeray iyadoo cunista geedkaas uu Illaahey ku ilhaameeyey inta badan dadka AFsomaliga ku hadla, waxaana dhici karta in Qofka Somaliga ahi isagoon qadeynin uu wixii jeebkiisa ku jira Qaad uu maalintaas cuno. Waxa kale oo dhacda in qofka Somaliga ahi uu wax iibsiga badeecad kasta oo kale gorgortan geliyo balse hadii uu qaadka cuno aanu marnaba ka hadal qiimaha qaadka la siinayo maalitnaas. Waa min Aayatihi

 

Marka laga tago sida uu qofka Somaliga ah ee Muqayilka ahi uu qaadka ugu daacad yahey waxaa iyana xusud mudan in dadka Qaadka ka shaqeeya ay yihiin dad marmarka qaarkood aad is odhaneyso waa mucjiso marka laga eego xaga adkeysiga, isgaadhsiinta, guuraha, geesinimada, is difaacida, dalyaaqaanimada , gaadiid wadida etc,. Waxaana taa markhaati u ah in qaadka hiirta waa bari ama habeenka niskiisa danbe ka soo baxa magaalada Jigjiga uu  barqadii online ku yahey magaalada Bosaaaso,marka aad qiyaasto masaafada labadaa magaalo u dhaxeysa oo aan ka yareyn 2000 km ayaa waxaad dareemaysa in dadka Geedka ka shaqeeya ay yihiin dad rooxaan kale la shaqeynayso.

 

Ma dhiiri gelinayo in Qaadka la cuno, waxaanan ku talin lahaa in qofkastaa iska daayo lakiin anigoo ka mida aha dadka in badan ka ka shaqeyn jirey Qaadka waxaan waayo aragnimo badan u leeyahey in cida isku daandaansata Qaadka aaney kala kulmin waxaan jab aheyn. Waxaana tusaale inoogu filin in mamnuucidii ay Dawladii Siyaad Bare Qaadka mamnuucdey ama isku gardarsatey ay ka mid aheyd waxyaalhii aas aasiga u ahaa dumistii iyo musuqii baahey ee Dawladii Siyaad Bare.

Waxaan xasuusta in sanadkii 1994kii mar uu wasiirka Maaliyada ahaa Madaxweynaheena hada Al-Xaaji Ahmed Mohamed Mohamud Silaanyo in uu noo yeedhay anigoo berigaa ka mid ahaa masuuliyintii shirkada Qaadka ee 571- isagoo rabey inuu Qaadka Cashuurta ku kordhiyo, hadaladiisii waxaa ka mida aha  ”Hadii aad Qaadlaha tihiin, halgankii dalka lagu xoreeyay qeyb weyn ayaa ka qaadaten mana tihidin niman la ilaawi karo, hadana madaama uu qaadku yahey Aalad ama shay aan daruuri aheyn waxaanu rabnaa in cashuurta aad bixisaan la kordhiyo”. Is qancin iyo gorgortan ka dib arintii waxey ku dhamaatey heshiis labada dhinicba ay soo dhaweeyeen.!!!. _Wax xiisad ama isku dhac ahina muu iman..

 

Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Samaale oo aanu nahey laba nin oo is yaaqana oo saxiiba waxaan kula talin lahaa inuu Arinta Cashuur kordhinta Qaadka cagta u dhigo, isla markaana talaabooyinka uu qaadaya ay noqdaan qaar uu kala tashado Ganacsatada Qaadka oo ugu horeeyo Xaaji Mohamed Ismail Tarabi (Ina Afdiinle). Waxaan hubaa hadii arinta la isla rogrogo oin meel fiican la isla dhigi doono. Geesta kale waxaan ka digaya in aaney arintu noqon mudaca midida ku taag is ugaasi iyo awood sheegasho si looga nabad galo Qasaar maaliyadeed iyo mid nafeedba. Dawlada xil yaa ka saran iney iney si masuuliyadi ku jirto u maamusho arin kasta oo la soo gudbaanata.

Alla mahad leh

Osman Omar Dool

Oslo Norway

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>