Frank Rijkaard Muxuu Ku Soo Kordhindoona Xulka K-Cagta ee Sacuudiga? (By Jaahuur)

Filed under: Features,Sports,Wararkii ugu Dambeeyay |

Saudi Arabia-Jan-09-2012-qurbejoognews.com-Saaxiibayaal qubanaheena ciyaaraha waxaynu maanta ku qoorasaneynaa tababaraha xulka qaranka kubadda cagta ee Saudi Arabia Frank Rijkaard.

Asxaabtay sida aynu ka wada dheregsanahay Rijkaard oo ka mid ahaa xiddigihii Barasamaadkii u soo kifaaxay wadankiisa Holland.

Rijkaard wuxuu kale uu ku guuleystey Laba horyaal oo Spanish League  5-tii sanno uu tababaraha u ahaa Naadiga weyn ee Barcelona.

Haddaba su’aashu waxay tahay muxuu ku soo kordhindoon xulka Sacuudiga oo sannadihii u danbeeyey gabalkoodii dhacay?

Shaqadan culus uu Rijkaard madax la galey ayuu qalanka ku jiidey 3-dex sanno (Contract) dhiilkaas oo cagacageynaya (US$ 15.9 Million) wuxuuna balanqaadey meel fiican inuu keeni doono xulka.

Rijkaard intii uuna soo caga dhigan xulka Sacuudigu waa laga badiyey 3-dii ciyaarood ee ugu horeeyey kuwaaso ka tirsanaa Cup Of Ashia,laguna qabteyna Qatar galaafateyna Tababarihii wakhtigaas u dhasheyna Portugal Jose Peserio iyo Nasser Al Johar iney daaqadda ka baxaan.

Haddba Asxaabtay xulka kubadda cagta ee Sacuudi Carabiya ayaa haatan FIFA kaga jira NO-126-aad (Ranking) ee bal eynu eegno wuxuu Frank Rijkaard ku soo kordhiyo.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>