Fifa oo Xulka Qaranka Suuriya Ka Mamnuucdey Ka Qaybgalka Koob Aduunka Maxayse Ku Suustey? (By Jaahuur)

Filed under: Features,Sports,Wararkii ugu Dambeeyay |

Fifa-Jan-11-2012-qurbejoog.com-Asxaabtay maqaalkeena ciyaaraha waxaynu maanta ku turxamineynaa (International Federation Of Assossiation-Fifa) oo ka mabnuucdey xulka qaranka ee kubaddea cagta  Suuriya iney ka qeybgalaan koobka kubadda cagta Aduunka ee ka dhicidoona Brazil 2014-ka,sababtu maxay tahay?

Haddaba ciyaar ka tirsaneyd is reeb-reebka koobka kubadda cagta ee Aduunka waxaa madaxa isla galey xulka Suuriya iyo xulka Tajikistan labadii kulana waxaa badiyey xulka Suuriya.

Akhyaartay sabata ay Fifa taaqadda uga tuurtey xulka Suurya waxay tahay,markii uu u saftey George Mourad xulka Suuriya qodubka lagu haystaana waxay tahay isga oo hore ugu saftey xulka qaranka ee Sweden 2003-gii ila 2005-kii/

Suuriya oo ka hadashey dhacdadaas waxay cambarey dusha uga tuurtey madaxda Fifa oo ay ugu yedheen cadaalaqd daro iyo qaab siyaasadeed.

Saaxiibayaal isqabqbsigaa dhexmarey xiriirka kubadda cagta ee Syuuriya iyo Fifa waxay u horseedey inuu iscasilo madaxa (Syrian Footbaal Association) (SFA) markii uu qoraal u direy Fifa iuuna Mourad u ciyaarin qaran kale,jawaabna kama helin.

Sheekadu waxay ku soo biyo shubantay xiriirka kubadda cagta ee suuriya oo ku tilmaamey iney FIFA Ciyaarihii u leexiyaan hab siyaasadeed waa sida ay hadalka u dhigeene.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>