Al Shabaab oo soo bandhigay Maydka Askari Faransiis ah oo ku geeriyooday weerarkii Buulo Mareer (SAWIRRO)

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Jan 13 2013 (SDN)— Ururka Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay geerida Sarkaal ka tirsan ciidamada Meliteriga Faransiiska sida ay ku xaqiijiyeen Boggooda Twitterka. 

Bayaan Al-shabaab ay soo saareen ayaa waxaa lagu cadeeyay in Sarkaalka uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Ciidamada gaarka ee faransiiska ay kula galeen Al-shabaab degmada Buula- Mareer ee Gobolka Sh/hoose. 

Al-shabaab ayaa sheegay in Macluumaad muhiim ah ka heleen Sarkaalka ka hor inta uusan dhiman iyo qalab Militeri iyo kuwa dhanka Lojistikada ah oo ay ka tageen ciidamada Faransiiska Sida bayaanka lagu sheegay. 

Ugu Dambey Bayaanka ayaa waxaa lagu cayimay in Shabaab ay ka go’aan dhaqsa ah ka soo saari doonto Denis Alex oo Mudo Sadax Sano gacanta ugu jira iyaga Saacaadaha soo aadan.

Halkan Ka Daawo Sawirrada

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>