Ciimada Nabad Sugida oo howlgallo dad badan ay ku soo qab qabteen ka sameeyay degmooyinka gobolka Banaadir

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Jan 14 2013 (SDN)- Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho Degmooyin ka tirsan waxa ay kusoo qab-qabteen dad badan oo ay ku eedeeyeen amnidarada Muqdisho.

Howlgalka oo ay iska kaashadeen ciidamada Booliiska iyo sidoo kale Nabadsugida ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay 477 qof kuwaasi oo laga soo kala qabtay labo Degmo oo ku taala Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada nabadsugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo ka hadlay howlgalkaasi ayaa wuxuu sheegay in dadka lasoo qabtay ay gaarayaan 477 islamarkaana 137 ay yihiin rag Shabaab ah ayna baarayaan kiisaskooda.

Wuxuu sheegay Ereg in howlgalka ay iska kaashadeen ciidamada ammaanka Dowladda lagana sameeyay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa oo ciidamada ay isku qeybiyeen.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabadsugida ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay ka sameeyan howlgalo kala duwan oo ay ku xaqiijiyaan ammaanka Magaalada Muqdisho.

SDN-Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>