Shaqaale ka tirsan Wasaarada Maaliyada ee Somaliland oo Maanta u fadhiistay Imtixaankii Qiimaynta ahaa

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargaysa 14.Jan(SDN)

Hayadda Shaqaalaha dawladda ayaa maanta imtixaan Qiimayn ah , ka qaaday qaar ka mid shaqaalaha wasaaradda maaliyadda,kuwaasoo tiradoodu gaadhaysay 185 Hawl wadeen.

Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda oo Hadal dardaaran ah u jeediyay Shaqaalahan ka tirsan Wasaarada Maaliyada ee Imtixaanka qiimaynta ah u fadhiistay ayaa balanqaaday  in aanay kaalin ku lahayn diyaarinta iyo Sixitaanka Imtixaanka waxaanu ka waramay ujeedada Imtixaankan oo uu ku tilmaamay inuu qayb ka yahay  qorshe ay Xukuumadu ku abuurayso shaqo gelin,ay ka faa’iidaysanayaan dhalinyarada ka soo baxday Jaamacadaha Wadanka ,waxana uu u rajeeyey shaqaalahaasi inay muujiyaan aqoonta ay u yeelan karaan inay bulshada uga adeegaan hay’adaha dakhli ururineed ee laf dhabarta u ah dhaqaalaha wadanka.

Geesta kale Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md Nuux Sh Muuse Ducaale ayaa iftiimiyay  hanaanka ay u qaadayaan imtixaankaasi waxana uu sheegay in dhamaan Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada ee  ku sugan caasimadda hargasysa iyo galbeedkeeda ay Maanta isku  mar ka wada qaadeen,Waxaanu intaas ku daray in  gobolada bariga Somaliland-na ay hal mar ka wada qaadi doonaan imtixaanka iyadoo ay hay’adda shaqaalahaa dawladdu wada shaqayn arintan kala leedahay  sida uu yidhi wasaaradda maaliyadda.

Waa Dufcadii Labaad ee Ka Tirsan Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada  ee u fadhiista Imtixaanka Qiimaynta ah .

Hargaysa SDN.

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>