Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland oo Gaadhay Magaalada Saylac.

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargaysa 14.Jan.(SDN)

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Salal.

Waxaa wasiirka arrimaha Gudaha iyo Weftigiisa kaga hortagay duleedka magaalada Saylac Maamulka Gobolka,Ka degmada iyo Qaybaha Bulshada.

Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa Shacabka ku nool degmada Saylac waxa uu uga mahadceliyay sida diiran ee ay u qaabileen Weftigan uu hor kacayo taas oo muujinaysa ayuu yidhi Isjacaylka iyo Wada dhalashada ummadda Somaliland,waxaanu sheegay in uu Magaalada Saylac u yimid sidii xal qaran oo dhamaystiran looga gaadhi lahaa xaaladii mudooyinkii u danbeeyay ka jirtay degmadaas,ee ka dhalatay Xanaftii doorashadii Golayaasha Deeganka,isagoo Intaas ku daray inuu Joogi doono Magaalada Saylac ilaa uu si rasmi ah u bogsiiyo boogihii iyo Khilaafkii ka dhashay doorashada golaha deegaanka ee degmada Saylac oo ay isku maandhaafeen sida uu yidhi laba ka mid ah beelaha wada dega Gobolkaasi,Wasiirka arrimaha Guduhu waxa uu sheegay in wax kasta oo dhacayba laga heshiin karo iyadoo dib loo raacayo wada tashiga iyo isu tanaasulka Ummada Somaliland ku soo Caano Maashay.

Wasiirka wasaarada arrimaha Gudaha ee Somaliland iyo Weftigiisa waxaa markaas kadib loo soo galbiyay goob loogu sameeyay hadhiimo sharafeed .

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa noqonaya kii labaad ee uu  ku tago degmada Saylac tan iyo intii uu hayay Xilka Wasaarada Arrimaha Gudaha,isagoo ku soo beegmay Xili ay xaalad Cakirani ka taagan tahay degmada Saylac oo salka ku haysa labada Xil ee isaga hooseeya degamada Saylac oo ay beesha Samaroon wada qaadatay taas oo ay qaadaceen beesha Ciise oo Saluug xoogan ka qabta habkii ay doorashadii Golayaasha Deegaanku uga dhacday Gobolka Salal .

Hargaysa SDN.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>