Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Xadhiga ka jaray Mashaariic caafimaad oo laga sameeyay deegaanada Abaarso iyo Arabsiyo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargaysa 14.Jan.(SDN)

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamed Maxamud Xoog ayaa maanta xadhiga ka jaray Xarumo caafimaad oo laga hirgaliyay deegaanada Abaarso iyo Arabsiyo.

Wasiirka Caafimaadka oo ay weheliyaan Isu duwaha wasaarada caafimaadka ee Gobolka Maroodi jeex,Saraakiil ka tirsan Xisbiyada qaranka, iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Wasaarada  Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamed Maxamud Xoog oo hadal ka jeediyay Xarumaha hooyada iyo dhalaanka ee laga hirgaliyay Abaarso iyo Arabsiyo waxa uu tilmaamay faa’iidada ay xarumahani u leeyihiin badbaadada nolosha hooyada iyo dhalaanka ,waxaanu u mahadceliyay hay’ada Ifad oo labadaas mashruuc Maalgalisay,waxa uu Wasiirka Caafimaadku balanqaaday in Xukuumad ahaan aanay waxba ka hagran doonin Gacan qabashada labadan xarumood .

Dr Xuseen Xoog waxa uu kula dardaarmay bulshada ku dhaqan deegaanada Abaarso iyo Arabsiyo inay ilaashadaan Xarumahan isla markaana uga faa’iidaystaan sida ugu haboon .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Gebilay ,Isu duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Maroodi jeex,Madaxda Xarumaha MCH-yada iyo waxgarad kale oo dhamaantoodba ku bogaadiyay doorka ay wasaarada caafimaadku ka qaadatay adeegyada caafimaad ee ay u baahnaayeen bulshada deegaankaasi.

Waana markii u horaysay ee Mashaariic noocan oo kale ah laga hirgaliyo Deegaanada Abaarso iyo Arabsiyo.

Hargaysa SDN.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>